Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Wasaaradda Amniga ee Maamulkii Laftgareen ee xooga looga saaray Koonfur Galbeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan weerarada ay ku qaadeen Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay Gacabta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay in Ciidamada ku sugan Baydhabo laga keenay meelo kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed xilligii maamulkii hore, isla markaana loo daad-gureeyay degmooyin ay ku jirto Baydhabo. Sida lagu sheegay bayaanka, weerarada ay fulinayaan Ciidamada taabacsan Laftagareen waxay billowdeen laba bilood ka hor, waxaana hadda ay marayaan wejigoodii ugu dambeeyay, iyadoo ujeeddadu tahay in si buuxda dib loogu soo celiyo awoodda iyo xasilloonida guud ee Koonfur…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare. Howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateynayay dadka deegaanka. Horjoogahan ayaa door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dilay waardiyihiisii gaarka ahaa. Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku…
Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dil xalay ka dhacay deegaanka Ilix oo qiyaastii 40 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Dhuusamareeb, caasimadda maamulka Galmudug. Sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka, howlgal lagu baadi-goobayay tuhunsanaha ayaa saacadihii hore ee maanta laga fuliyay deegaankaasi, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha lala xiriirinayo falka dilka ah ee xalay dhacay. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo faahfaahinta dhacdada, sababihii ka dambeeyay dilka, iyo in ay jiraan dad kale oo ku lug leh falkaasi.…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qaaday tallaabooyin adag oo la xiriira sugidda amniga magaalada Baydhabo, kadib dagaalkii shalay halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay si dhow uga falcelisay xaaladda amni ee magaalada, iyadoo sare loo qaaday dadaallada lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee ka jira gudaha magaalada iyo deegaannada ku dhow. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay canaan kulul u jeedisay Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal…
Baarlamaanka Xorta oo ay ku mideysan yihiin xildhibaanno mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dacwad ugu gudbiyay hay’adaha caalamiga ah, iyadoo ay ugu baaqeen inay tallaabo ka qaadaan Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo saraakiil kale oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal ka dhan ah shacabka rayidka ah. Warqad iyo qoraal ay baarlamaanku u direen hay’adaha caalamiga ah ayaa lagu gaarsiiyay United Nations, African Union iyo wakiillo ka socda beesha caalamka, iyagoo codsaday in si dhow loo baaro eedeymaha loo jeediyay saraakiishaasi isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelatay. Sida lagu…
Madaxwayne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha degmada. Wafdiga Madaxwayne Ku-xigeenka ayaa la socday gaadiid dagaal iyo hub noocyo kala duwan leh, waxaana degmada ku qaabilay maamulka degmada Luuq, saraakiisha laamaha amniga, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Soo dhaweyn ballaaran oo lagu maamuusay wafdiga ayaa ka dhacday gudaha degmada, iyadoo shacabka iyo masuuliyiinta deegaanka ay muujiyeen taageeradooda ku aaddan socdaalka wafdiga iyo ujeedada ay degmada u yimaadeen. Ilo ku dhow maamulka Jubbaland ayaa…
Dowladda Kenya ayaa joojisay munaasabad lagu maamuusayay 18-ka May oo qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Nairobi, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow qabanqaabada munaasabadda. Munaasabaddan ayaa lagu waday in lagu xuso maalinta ay Somaliland u aqoonsato maalinta dib ula soo noqoshada madax-bannaanideeda, waxaana ka qeyb geli lahaa xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Kenya, marti sharaf siyaasiyiin ah iyo dad kale oo lagu casuumay munaasabadda. Sida ay sheegayaan wararka la helayo, laamaha amniga Kenya ayaa hakiyay qabsoomida xafladda saacado kahor xilligii loo asteeyay inay furanto. Sidoo kale waxaa la sheegay in la xiray qaar ka mid…
Hal qof oo rayid ah ayaa saaka barqanimadii lagu Gowracay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo dilkaasi uu ka dhacay xaafadda Waxara-cadde, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qalinle, wuxuuna ka mid ahaa dadka deegaanka ee ku shaqaysta farsamada tuubooyinka biyaha. Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu ahaa nin xoogsade ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada, isla markaana nolol maalmeedkiisa ka raadsan jiray shaqada gacanta. Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumku asal ahaan kasoo jeeday degmada Guriceel, inkastoo muddo uu ka shaqaynayay kuna noolaa magaalada Dhuusamareeb. Meydka marxuumka ayaa haatan la…
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ka qayb-gashay shir lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Israa’iil iyo Kenya, laguna soo bandhigayay muhiimadda wax-soo-saarka iyo ganacsiga afakaadhada (avocado), arrin si weyn looga hadal hayo gudaha Soomaaliya. Madasha oo lagu magacaabay “Afakaadho”, ayaa diiradda lagu saaray kobcinta beerashada, dhoofinta iyo fursadaha ganacsi ee la xiriira miraha afakaadhada, iyadoo ay kasoo qaybgaleen diblomaasiyiin, ganacsato, khubaro dhanka beeraha ah iyo wakiillo ka kala socday dalal dhowr ah oo gobolka ah. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Safiirka Israa’iil u fadhiya Nairobi, Gideon Behar, oo ka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Kuwait, kaddib weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday dhulka Kuwait. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarradan, iyadoo lagu tilmaamay falal khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana lid ku ah qawaaniinta iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay inay si buuxda u taageersan tahay madaxbannaanida Dowladda Kuwait, amnigeeda, xasilloonideeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyadoo sheegtay in Kuwait ay tahay…