Baydhabo (Banaadir24) — Xiisadda amni ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo wararka laga helayo magaalada ay sheegayaan in xaalad feejignaan ciidan oo sare laga dareemayo xaafadda Towfiiq iyo deegaanno kale oo ka tirsan magaalada.
Ciidamo badan oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo daacad u ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa la sheegay inay magaalada Baydhabo ka hareereeyeen dhowr jiho, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo inuu qarxo iska horimaad hubeysan.
Dhanka kale, waxaa magaalada laga soo sheegayaa shaki iyo kalsooni darro sii kordheysa oo ka dhex jirta ciidamada ammaanka ee gudaha Baydhabo, iyadoo cutubyo kala duwan ay feejignaan dheeraad ah ka muujinayaan goobaha istaraatiijiga ah.
Xaaladdan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in Baydhabo ay mar kale martigeliso dagaallo hubeysan, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga magaalada iyo guud ahaan gobolka Baay.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo faahfaahinaya tallaabada xigta ee ciidamada, balse xaaladda magaalada ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo indhaha lagu hayo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda hareeraha Baydhabo.
