LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

SAWIRRO:- Jubbaland oo wafdi culus u dirtay Luuq si ay uga hortagto..

Madaxwayne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha degmada.

Wafdiga Madaxwayne Ku-xigeenka ayaa la socday gaadiid dagaal iyo hub noocyo kala duwan leh, waxaana degmada ku qaabilay maamulka degmada Luuq, saraakiisha laamaha amniga, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweyn ballaaran oo lagu maamuusay wafdiga ayaa ka dhacday gudaha degmada, iyadoo shacabka iyo masuuliyiinta deegaanka ay muujiyeen taageeradooda ku aaddan socdaalka wafdiga iyo ujeedada ay degmada u yimaadeen.

Ilo ku dhow maamulka Jubbaland ayaa sheegay in socdaalka Madaxwayne Ku-xigeenka uu qeyb ka yahay dadaallo lagu dardargelinayo howlaha maamulka, xoojinta amniga, iyo adkeynta joogitaanka maamulka Jubbaland ee degmada Luuq iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Wararka laga helayo degmada ayaa sidoo kale tilmaamaya in socdaalka wafdiga uu la xiriiro kulamo siyaasadeed iyo kuwo amni oo la filayo inay Madaxwayne Ku-xigeenka la yeeshaan maamulka degmada, saraakiisha ciidamada, iyo qeybaha bulshada, si looga wada hadlo xaaladda degmada iyo arrimaha maamulka.

Ujeedada ugu weyn ee safarka ayaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta maamulka iyo shacabka degmada, isla markaana Jubbaland uga hortagi lahayd isku day kasta oo saameyn ku yeelan kara maamulka degmada Luuq.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *