Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo ka digay khilaafaadka ka dhex jira madaxda dowladda iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada. Farmaajo ayaa sheegay in si xoojinta dowladnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya loo ilaaliyo ay muhiim tahay in la helo hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, kaas oo saldhig u noqon kara doorasho loo dhan yahay. Madaxweynihii hore ayaa carrabka ku adkeeyay in hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn uu horseedi karo khilaaf siyaasadeed, isagoo ku baaqay in la helo waddo lagu xalliyo tabashooyinka jira, lana xaqiijiyo…
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha JFS. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka C/kariin Axmed Xasan oo maanta shir jaraa,id qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay jadwalka doorashada labada Aqal ee heer federaal. Haddaba,warsaxaafadeedkaan waxa uu u qornaa sidatan:-
Baydhabo (Banaadir24) — Ciidamada Darawiishta Koonfur Galbeed ee daacadda u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la sheegay inay si buuxda ula wareegeen degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaddib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Lawareegitaanka Buurhakaba ayaa noqonaya degmada labaad ee ay ciidamada Laftagareen gacanta ku dhigaan muddo ku dhow laba toddobaad, kaddib markii ay horay ula wareegeen degmada Qansaxdheere. Dagaallada ayaa la sheegay inay u dhexeeyeen ciidamada Laftagareen iyo kuwa dowladda federaalka ee taageera Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo kan militari ee ka taagan maamulka Koonfur…
Muqdisho (Banaadir24) — Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka, Raisedon Zenenga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wejiga ugu dambeeya ee geeddi-socodka kala-guurka UNTMIS, xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyo sidii xil-wareejinta hawlgalka ay u xoojin lahayd awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta guulaha laga gaaray nabad-dhiska iyo dowlad-dhiska, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo ku aaddan…
Baydhabo (Banaadir24) — Dagaal culus ayaa la soo sheegay inuu saaka ka qarxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaas oo u dhexeeya ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacadda u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo ciidamo la safan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dagaalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha la xiriira gacan ku haynta degmada Buurhakaba, oo ah deegaan muhiim u ah xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Laftagareen, Ugaas Xasan, ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku xaqiijiyay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay degmada ka bilaabeen howlgal uu ku tilmaamay mid…
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 24-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 140-Xildhibaan, waxa ugu horreyn Xildhibaanada Golaha ay u codeeyeen Hindise-Xeereedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, waxaana ogolaatay 132-Xildhibaan, 3-Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena shan Xildhibaan ayaa ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo natiijada codeynta ku dhowaaqay. Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta sedaxaad…
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Charles King. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Ingiriiska, gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aaddan taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga saaxiibbada caalamiga ah, si loo dardargeliyo horumarka, loo xoojiyo hay’adaha dowliga ah, loona horumariyo adeegyada…
Baydhabo (Banaadir24) — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Hinshiloole ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunay. Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay ku urursanaayeen deegaankaas, iyadoo ciidamada ay weerar ku qaadeen goobta ay ku sugnaayeen. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyey in intii uu socday la dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka, halka mid kale nolosha lagu qabtay. Howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyey cutubyo ka tirsan Ururrada 171-aad iyo 175-aad ee Guutada 17-aad, Qaybta 1-aad…
Muqdisho (Banaadir24) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa ka hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hey’adaha iyo horumarinta nidaamyada Maamulka Qaranka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta masuuliyadda hey’adaha kala duwan ee dowladda. Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, iyada oo goluhu u saaray Guddi ka kooban wasiirro oo uu guddoominayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, kaas oo loo igmaday dardargalinta fulinta dastuurka isla markaana uu waajibaadkooda qeyb ka yahay in muddo labo bilood ( 2) ah ay kusoo diyaariyaan,…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday carwada ganacsiga ee Som Souk Expo, halkaasi oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku soo bandhigayaan badeecooyin iyo adeegyo kala duwan. Madaxweynaha ayaa kormeeray goobaha ganacsiga, isaga oo sidoo kale ka dukaameystay carwada, lana kulmay ganacsatada ka qaybgalaysa, kuwaasi oo uu ku dhiirrigaliyay sii wadidda dadaallada ay ku horumarinayaan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in carwooyinka ganacsigu ay door muhiim ah ka qaataan isu keenidda ganacsatada iyo macaamiisha, suuq-geynta badeecooyinka, dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi iyo ballaarinta fursadaha maalgashi, taas oo ka qayb qaadanaysa kobaca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.…