Laamaha Ammaanka Soomaaliya oo Gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dil xalay ka dhacay deegaanka Ilix oo qiyaastii 40 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Dhuusamareeb, caasimadda maamulka Galmudug.
Sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka, howlgal lagu baadi-goobayay tuhunsanaha ayaa saacadihii hore ee maanta laga fuliyay deegaankaasi, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha lala xiriirinayo falka dilka ah ee xalay dhacay.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo faahfaahinta dhacdada, sababihii ka dambeeyay dilka, iyo in ay jiraan dad kale oo ku lug leh falkaasi.
War kooban oo kasoo baxay laamaha ammaanka ayaa lagu sheegay in baaritaanku uu marayo heerar muhiim ah, isla markaana ciidamada ay wadaan uruurinta xogaha iyo caddeymaha la xiriira kiiska.
“Waxaa gacanta lagu hayaa shaqsi lagu tuhunsan yahay dhacdadii dilka ahayd ee ka dhacday Ilix, baaritaankuna si buuxda ayuu u socdaa. Marka la soo gabagabeeyo, shacabka waxaa lala wadaagi doonaa natiijada kasoo baxda,” ayay sheegeen saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka.
Dilka xalay ka dhacay deegaanka Ilix ayaa walaac ka abuuray bulshada deegaanka, iyadoo dadka deegaanku ay si dhow ula socdaan natiijada baaritaanka ay wadaan ciidamada ammaanka.
Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta xaqiijinta dhacdada iyo dardargelinta baaritaanka socda.









