DHACDO NAXDIN LEH:- Nin lagu gowracay Magaalada Dhuusamareeb

Hal qof oo rayid ah ayaa saaka barqanimadii lagu Gowracay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo dilkaasi uu ka dhacay xaafadda Waxara-cadde, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qalinle, wuxuuna ka mid ahaa dadka deegaanka ee ku shaqaysta farsamada tuubooyinka biyaha. Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu ahaa nin xoogsade ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada, isla markaana nolol maalmeedkiisa ka raadsan jiray shaqada gacanta.
Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumku asal ahaan kasoo jeeday degmada Guriceel, inkastoo muddo uu ka shaqaynayay kuna noolaa magaalada Dhuusamareeb.
Meydka marxuumka ayaa haatan la geeyay saldhigga booliska magaalada, halkaas oo ay ku socdaan baaritaanno la xiriira dhacdada, si loo ogaado cidda ka dambeysay dilka iyo sababta keentay.
Laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta kiiskan, mana jirto cid ilaa hadda loo qabtay falkaasi.









