DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Fadeexad:- Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir ay soo qaban qaabisay Israa’iil

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ka qayb-gashay shir lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Israa’iil iyo Kenya, laguna soo bandhigayay muhiimadda wax-soo-saarka iyo ganacsiga afakaadhada (avocado), arrin si weyn looga hadal hayo gudaha Soomaaliya.

Madasha oo lagu magacaabay “Afakaadho”, ayaa diiradda lagu saaray kobcinta beerashada, dhoofinta iyo fursadaha ganacsi ee la xiriira miraha afakaadhada, iyadoo ay kasoo qaybgaleen diblomaasiyiin, ganacsato, khubaro dhanka beeraha ah iyo wakiillo ka kala socday dalal dhowr ah oo gobolka ah.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Safiirka Israa’iil u fadhiya Nairobi, Gideon Behar, oo ka hadlay muhiimadda iskaashiga dhinacyada beeraha, tiknoolajiyadda waraabka iyo suuq-geynta wax-soo-saarka beeraha Bariga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa madasha uga qayb-galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle, iyadoo kasoo muuqashadiisa shirka ay dhalisay falcelin siyaasadeed iyo dood ku saabsan mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku wajahan Israa’iil.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay maalmo ka hor si adag uga hadashay xiriirkii dhawaan la sheegay inuu dhexmaray maamulka Somaliland iyo Israel.

DFS ayaa markaas dowladda Tel Aviv ku tilmaantay “cadow”, iyadoo cambaareysay tallaabo kasta oo dhaawici karta midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan xiriir kasta oo diblomaasiyadeed ama siyaasadeed oo lala yeesho Somaliland iyada oo aan loo marin dowladda dhexe.

Soo muuqashada wakiilka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee shir ay martigelisay Israa’iil ayaa hadda dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sida ay dowladda u kala saareyso mowqifkeeda siyaasadeed iyo ka qaybgalka madalaha caalamiga ah ee ay Israa’iil qayb ka tahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *