Muqdisho (Banaadir24) — Ciidamo dhowaan lagu tababaray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo la sheegay in khudbado loogu jeediyey laguna dhiirrigeliyey inay dagaal la galaan siyaasiyiin lagu tilmaamay inay yihiin kuwa cadowga la safan, ayaa la sheegay in loo diyaarinayo hawlgal ciidan oo ka dhici doona dhowr gobol oo dalka ah.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, ciidamadaasi ayaa qorshuhu yahay in loo kala qaado magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo halkaas laga sii abaabulayo sidii loogu gudbin lahaa gobolka Jubbada Dhexe, halka cutubyo kale loo qorsheynayo in la geeyo gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde.
Qorshahan ayaa dhaliyey su’aalo la xiriira ujeeddada dhabta ah ee ciidamada loo diyaarinayo, maadaama hadalladii lagu jeediyey xilligii tababarka ay xambaarsanaayeen farriimo siyaasadeed oo ku saabsan dagaal lala galo siyaasiyiin lagu eedeeyey inay ka soo horjeedaan dowladda.
Waxaa sidoo kale jira tuhunno sheegaya in ciidamada loo adeegsan karo fulinta qorshayaal siyaasadeed oo lala xiriirinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan khilaafaadka siyaasadeed iyo xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.
Haddii xogahani rumoobaan, dhaqdhaqaaqan ciidan wuxuu sare u qaadi karaa xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira deegaannada la qorsheynayo in la geeyo ciidamada.