Author: Banaadir24 Editor

Waxaa degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho lagu dilay Janaraal Salaad Dalqoor, oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta dhacdadu ka dhacday. Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, dilka Janaraalka ayaa ka dhacay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida weerarku u dhacay iyo tirada dadka ku lugta lahaa ayaan weli si rasmi ah loo shaacin. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada ammaanku ay si degdeg ah u gaareen goobta dhacdadu ka dhacday, halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaanno la xiriira dilka. Ilo…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyeen wasiirro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee magaalada Baydhabo cutubyo ka tirsan Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaarinayo ka qeyb qaadashada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee dalka ka jira. Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta awoodda ciidamada iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalka. Taliyaha Ciidanka…

Read More

Dhalinyaradii dowlada ay xirtay ayaa caawa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii loogu geystay Xabsiyada ay ku jireen iyagoo si weyn u eedeeyey Taiiyaha Booliska G/Banaadir Macalin oo ay ku eedeeyeen in si foolxun uu u la dhaqmay dhamaan dhalinyaradii loo xiray Mucaaradnimada dowlada!. Dhalinyarada hadashay waxay sheegeen in Habeen walba Bac-madow Madaxa loo gelin jiray si loo ciqaabo Sidookalane Cuntada loo diidi jiray si ay u dhahaan Mardambe Dowlada ma mucaaradeeno. Waxay dhalinyarada sidookale sheegeen in Macalin Mahdi uu dib u xiray iyagoo Maxkamad ay fasaxday, Amarkaasna uu ka yimid Madaxweyne Xasan Shiikh oo dalbaday in lagu haayo Xabsiga inta ay dowlada…

Read More

Wararka naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 14 jir maanta lagu dilay agagaarka deegaanka barakacayaasha ee ku dhow xaafadda Farjano. Goobjoogayaal ku sugan halka uu falka ka dhacay ayaa sheegay in meydka wiilka laga helay goob ku dhow xaafadahaasi, iyadoo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka kadib dhacdada. Ilaa hadda lama oga cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dilkan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada ama hay’adaha ammaanka oo ku saabsan dhacdadaasi. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhacdadan laga yaabo inay…

Read More

Xiisad iyo jahwareer ayaa maanta ka taagan gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii la hakiyay dhammaan duulimaadyadii bixi lahaa galabta, taas oo saameyn weyn ku yeelatay isu socodka rakaabka iyo howlaha caadiga ah ee garoonka. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo rasmi ah oo ku sugan gudaha garoonka, hakadka duulimaadyada ayaa yimid kaddib muran la xiriira dhul iyo maamulka goob ka tirsan gudaha garoonka, kaas oo la sheegay inuu u dhexeeyo qaar ka mid ah hay’adaha dowladda ee halkaasi ka wada shaqeeya. Wararka laga helayo gudaha garoonka ayaa tilmaamaya in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay si ku…

Read More

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo baaritaan iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanka Suleymaan, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkan oo qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka ayaa ciidamada Danab waxay gudaha u galeen deegaanka Suleymaan, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno amni iyo howlgallo lagu baacsanayo xubno ka tirsan kooxda. Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku guuleysteen qabashada horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay abaabulayeen falal amni-darro iyo dhibaatooyin ka dhan ah shacabka ku…

Read More

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta dib ugu celisay Xafiiska Xeer Ilaalinta kiiska loo haysto Sacdiyo Macallin Bajaaj, kaddib markii maanta loo horgeeyay dhageysiga hordhaca ah ee dacwadda ka furan. Fadhiga maxkamadda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dhegeystay eedeymaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, iyadoo dhinacyada dacwadda ay maxkamadda horgeeyeen doodahooda la xiriira kiiska. Qareenka difaacaya Sacdiyo Macallin Bajaaj, oo warbaahinta la hadlay markii uu soo dhammaaday fadhiga maxkamadda, ayaa sheegay in garsoorku uusan ku qancin waxyaabihii ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, gaar ahaan eedeymaha iyo caddeymaha lagu saleeyay dacwadda. Qareenka ayaa xusay in maxkamaddu go’aamisay…

Read More

Beesha caalamka ayaa maanta soo saartay bayaan wadajir ah oo ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan marxaladda uu dalku marayo. Bayaanka ayaa lagu sheegay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya loogu baaqayo inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadalka, isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan hannaan iyo jadwal doorasho oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed. Saxiixayaasha bayaanka ayaa adkeeyay in beesha caalamku diyaar u tahay inay taageerto wada-hadallada ay Soomaalidu hoggaaminayso haddii taas la codsado. “Xilligan xasaasiga ah, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, kana…

Read More

Mukeyfyada gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa la sheegay in ay maanta dansan yihiin, iyadoo boqolaal rakaab ah oo ku sugnaa gudaha garoonka ay wajahaan kuleyl aad u daran iyo ciriiri ka dhashay qaboojin la’aanta gudaha terminal-ka. Rakaab ku sugnaa qeybaha sugitaanka iyo hoolalka bixitaanka ayaa sheegay in jawiga gudaha garoonka uu noqday mid aad u kulul, taasoo saameyn ku yeelatay dadka safarka ah, gaar ahaan carruurta, dadka waayeelka ah iyo dadka safarrada dheer kasoo degay Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka qaarkood ay ku qasbanaadeen inay bannaanka u baxaan si ay hawo u helaan, halka kuwo kalena ay cabashooyin ka…

Read More

Waxaa mar kale dib u dhacay kulankii Baarlamaanka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ay sheegayaan in baaqashada kulanka ay salka ku hayso khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kaas oo la xiriira qorshaha la sheegay in Villa Soomaaliya ay ka leedahay doorashada madaxtinimada maamulkaas. Xog ay helayaan ilo ku dhow Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa tilmaamaya in dib u dhaca kulanka uu yimid kadib dadaallo socda oo lagu doonayo in la hakiyo waxa siyaasiyiinta mucaaradka maamulkaasi ku tilmaameen “faragelin siyaasadeed” oo uga imaneysa dowladda federaalka. Qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qaba in xilligan la isku…

Read More