Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Shir degdeg ah oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa maanta ka qabsoomay Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib dagaal saaka aroortii ka dhacay gudaha magaalada. Kulanka oo uu guddoominayay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cirro, ayaa looga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo, saameynta uu reebay, iyo tallaabooyinka degdegga ah ee lagu adkeynayo amniga guud ee magaalada. Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in saraakiisha amniga, taliyeyaasha ciidamada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha ammaanka ay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga, looga…
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu weli wado howlgallo ka dhan ah ciidankii weeraray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. Warsaxaafadeedka ayaa intaas lagu daray in xubnaha weerarkaas sooo qaaday la gaarsiiyay Khasaaro isugu jira mid Naf & Mid Maaliyadeed sida hadalka loo dhigay. Hoos Ka Akhriso War kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka.
Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maanta xukun dhan 10 sano iyo 6 bilood oo xarig ah (128 bilood) ku ridday Mohamed Aden Hared, kadib markii lagu helay dambiga dilka saaxiibkiis iyo la-shaqeeyihiis Ahmed Ibraahim Cariif, oo uu toogtay sanadkii 2024. Mohamed Aden Hared, oo 26 jir ah, ayaa horay bishii Janaayo qirtay dacwadda la xiriirta dilka darajada labaad ee loo haystay. Maxkamaddu waxay sheegtay inuu xabsiga ku qaadan doono 128 bilood, iyadoo sidoo kale loo xisaabiyay ku dhowaad labo sano oo uu hore ugu jiray xabsi ku-meel-gaar ah intii dacwaddu socotay. Kiiskan ayaa dib u dhacaya…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Saadaq Aadan Doodishe, ayaa si adag uga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada amniga iyo Ciidamada Laftagareen oo weeraray Magaalada. Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay bartamaha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si buuxda uga hortageen weerarka, islamarkaana ay gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday khasaare xooggan. Gaashaanle Dhexe Saadaq Aadan Doodishe ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay aroortii hore si lama filaan ah kusoo qaadeen weerarka, balse ciidamada ammaanka ay si degdeg ah uga falceliyeen isla markaana ay fashiliyeen qorshahooda. “Koox nabad-diid ah ayaa saaka…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay ka dhacay guriga Madaxweyne hore Sharif Sheikh Ahmed, kaas oo ay yeesheen agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad iyo Sheekh Shariif, iyadoo xogta kulankaasi si weyn loo adkeeyay in aan dibadda loo bixin. Sida ay ilo xog-ogaal ah noo xaqiijiyeen, kulanka waxaa diiradda lagu saaray dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday agagaarka guriga Sheekh Shariif, xilli ay halkaasi isku hor yimaadeen ciidamada ammaanka iyo dad dibadbaxayay, kuwaas oo si aad ah ugu soo dhawaaday deegaanka guriga. Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Mahad Salaad uu kulanka gudaheeda si gaar ah ugu bogaadiyay…
Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook kaga digay in xaalad colaadeed iyo kala qeybsanaan siyaasadeed ay ka dhex dhalan karto beesha Xawaadle, haddii aan si degdeg ah looga hortagin. Cosoble wuxuu sheegay in “dulmi aad u weyn” uu soo wajahan yahay beesha, isagoo xusay in arrintaasi ay gaari karto heer hub la isu qaato, isla markaana ay mar kale saameyn ku yeelato xiriirka beesha iyo maamulka Hirshabelle. Sida uu sheegay madaxweynihii hore, koox uu ku tilmaamay inay isugu jiraan wadaado iyo xubno qurbajoog ah ayaa la sheegay inay qorsheynayaan safar ay ku…
Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in Ciidamada Qaranka ay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga magaalada Baydhabo, isla markaana aysan jirin wax kooxo cadow ah oo la wareegay goob ama deegaan ka tirsan magaalada. Ciidamada geesiyaasha ah ee Qeybta 60-aad ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaari iyo hub tiro badan oo ay ka carareen maleeshiyaadka cadowga, kaddib markii jab culus lagu gaarsiiyay furimaha dagaalka. Taliska wuxuu shacabka ku wargelinayaa in goor dhow la soo bandhigi doono hubkii, gaadiidkii iyo meydadkii ay ka carareen cadowga, si loo caddeeyo…
Alle ha u naxariistee Ayaanle Jamaal Xuseen ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Bremen ee dalka Jarmalka, kaddib markii habeenkii Ciidda ka hor dhaawac culus looga geystay madaxa. Sida ay sheegeen wararka ka imaanaya magaalada Bremen, marxuumka ayaa la helay isagoo miyir beel ah, dhaawac culusna uu ka gaaray madaxa, isagoo dhulka yaalla agagaarka boosteejada Falkenstraße, oo u dhow xarunta tareennada laga raaco ee magaalada. Dad goobta ku sugnaa ayaa markii dambe helay Ayaanle isagoo xaaladdiisu aad u liidato. Gurmad degdeg ah ayaa goobta yimid, waxaana si dhaqso ah loogu qaaday isbitaal ku yaalla Bremen si loogu sameeyo daryeel…
Wararka laga helayo duleedka Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo hor leh ay maanta ku biireen ciidamada taageersan Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ee ku sugan duleedka magaalada. Ciidamadan cusub waxaa qeyb ka ah maleeshiyaad uu hoggaaminayo Malaaq Cali Shanla-Gaab oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo gaaray fariisimaha ciidamada taabacsan Lafta-gareen. Sidoo kale, dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah oo hore uga tirsanaa Ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugnaa degmada Wanlaweyn, ayaa saaka gaaray goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taageersan Lafta-gareen ee duleedka Baydhabo. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in maalmihii u…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqayn culus oo xalay ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taas oo la sheegay inay sababtay khasaare xooggan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay xalay maqlayeen jugta culus ee gantaallada laga soo tuurayay diyaarado dagaal, kuwaas oo bartilmaameedsaday goobo ku yaalla bannaanka degmada Jilib. Dadka deegaanka ayaa sheegay in jugta duqaynta si weyn looga maqlayay xaafado ku dhow goobaha la weeraray. Sida ay sheegayaan ilo amni, duqaynta ayaa lala beegsaday fariisimo iyo goobo la tuhunsanaa inay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta hubka iyo walxaha qarxa. Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka…