LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dacwad Caalami ah oo laga gudbiyay taliye Macalin Mahdi & Saraakiil kale

Baarlamaanka Xorta oo ay ku mideysan yihiin xildhibaanno mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dacwad ugu gudbiyay hay’adaha caalamiga ah, iyadoo ay ugu baaqeen inay tallaabo ka qaadaan Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo saraakiil kale oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal ka dhan ah shacabka rayidka ah.

Warqad iyo qoraal ay baarlamaanku u direen hay’adaha caalamiga ah ayaa lagu gaarsiiyay United Nations, African Union iyo wakiillo ka socda beesha caalamka, iyagoo codsaday in si dhow loo baaro eedeymaha loo jeediyay saraakiishaasi isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelatay.

Sida lagu sheegay qoraalka, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo saraakiil kale ayaa lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u burburiyeen guryo ay deganaayeen dad shacab ah, gaar ahaan qoysas danyar ah oo muddo dheer ku noolaa deegaannada la dumiyay.

Xildhibaannada ayaa sheegay in howlaha burburintaasi ay sababeen barakac ballaaran, iyadoo qoysas badan ay waayeen hoygoodii, hantidoodii iyo meelihii ay ku noolaayeen, taasoo keentay xaalad bini’aadannimo oo adag.

Waxaa sidoo kale saraakiisha lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed iyo adeegsiga awood dowladeed si ka baxsan sharciga, iyadoo aan loo marin habraacyadii saxda ahaa ee maamulka iyo garsoorka.

Baarlamaanka Xorta ayaa sheegay in tallaabooyinka dhacay ay si toos ah u dhaawaceen xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan xuquuqda lahaanshaha guryaha, amniga nolosha shacabka iyo ilaalinta karaamada dadka rayidka ah.

Waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya inay si degdeg ah u fara-geliyaan arrintan, baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha jira, isla markaana caddaalad loo helo dadka ay dhibaatadu gaartay.

Dhanka kale, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ama hay’adaha dowladda ee lagu magacaabay dacwadda, kaas oo ay uga jawaabayaan eedeymaha loo jeediyay.

Screenshot
Screenshot
Screenshot

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *