LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka xoogga dalka oo dilay Horjooge Caan ah & wararkii ugu dambeeyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare.

Howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateynayay dadka deegaanka.

Horjoogahan ayaa door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dilay waardiyihiisii gaarka ahaa.

Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in mar kale xaqiijinayaan in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, laguna sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *