Villa Somalia oo Sarkaal Sare ku canaanatay weerarada kusoo laab laabtay Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qaaday tallaabooyin adag oo la xiriira sugidda amniga magaalada Baydhabo, kadib dagaalkii shalay halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay si dhow uga falcelisay xaaladda amni ee magaalada, iyadoo sare loo qaaday dadaallada lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee ka jira gudaha magaalada iyo deegaannada ku dhow.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay canaan kulul u jeedisay Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Cabdullaahi Aadan Cirro, kaas oo maalmo ka hor loo xil saaray la socodka iyo sugidda amniga Baydhabo illaa laga gudbayo xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka laga hadlayo.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, Villa Soomaaliya ayaa taliyaha ku amartay inuu dib-u-habeyn ku sameeyo qorshaha amniga Baydhabo, isla markaana uu si deg deg ah uga hortago weerarada iyo isku dhacyada kasoo noqnoqday ciidamada taabacsan Laftagareen.
Janeraal Cabdullaahi Aadan Cirro ayaa la sheegay inuu shalay shir deg deg ah kula yeeshay xarunta taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka saraakiisha ciidamada ku sugan Baydhabo. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga magaalada, adkeynta fariisimaha ciidamada, iyo ka hortagga weerarro kale oo mar kale magaalada ka dhaca.
Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa la faray inay sare u qaadaan feejignaanta ciidamada, ayna si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka jira magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada.
Xiisadda Baydhabo ayaa maalmahan sii xoogeysaneysay, iyadoo dagaalkii shalay dhacay uu sare u qaaday walaaca laga qabo amniga magaalada. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, haddana dadka deegaanka ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah ay wali ka jirto qaybo ka mid ah magaalada.









