LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kenya oo joojisay taallaabo ay qorsheyneysay Somaliland

Dowladda Kenya ayaa joojisay munaasabad lagu maamuusayay 18-ka May oo qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Nairobi, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow qabanqaabada munaasabadda.

Munaasabaddan ayaa lagu waday in lagu xuso maalinta ay Somaliland u aqoonsato maalinta dib ula soo noqoshada madax-bannaanideeda, waxaana ka qeyb geli lahaa xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Kenya, marti sharaf siyaasiyiin ah iyo dad kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, laamaha amniga Kenya ayaa hakiyay qabsoomida xafladda saacado kahor xilligii loo asteeyay inay furanto. Sidoo kale waxaa la sheegay in la xiray qaar ka mid ah howlwadeennadii ku jiray abaabulka munaasabadda, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada dadka la qabtay iyo eedaha loo jeediyay.

Goobta loogu talagalay in munaasabadda lagu qabto ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka ay gaareen, halkaasna ay ku amreen in la joojiyo isu imaatinka iyo dhammaan diyaar-garowgii socday.

Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo aan hore uga dhicin gudaha Kenya, maadaama sanadihii hore ay marar badan magaalada Nairobi martigelisay munaasabado la xiriira xuska 18-ka May iyo kulamo ay soo qabanqaabiyaan jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalkaas.
Dowladda Kenya weli si rasmi ah ugama aysan soo saarin bayaan faahfaahinaya sababta rasmiga ah ee keentay in la joojiyo munaasabaddan.

Hase yeeshee falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa arrintan ku xiriirinaya xasaasiyadda diblomaasiyadeed ee ka dhexeysa Somalia iyo Kenya, gaar ahaan marka ay timaaddo arrimaha la xiriira Somaliland.

Dadka abaabulayay munaasabadda qaarkood ayaa sheegay inay la yaabeen go’aanka dowladda Kenya, iyagoo tilmaamay in xafladdu ahayd mid bulshada uun loogu talagalay, isla markaana aanay xambaarsanayn ujeeddo siyaasadeed oo rasmi ah. Qaar kale ayaa sheegay in joojinta xafladdu ay niyad jab ku noqotay boqolaal qof oo qorsheynayay inay ka qeybgalaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *