Beledweyne (Banaadir24) — Wararka laga helayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka ambabaxeen magaalada Jowhar, iyagoo ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka jawaabayaan baaqii Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, oo hore ugu baaqay ciidamada ka soo jeeda gobolka Hiiraan inay ka baxaan furimaha hore ee dagaalka, islamarkaana ay u istaagaan difaaca sharafta, danaha iyo amniga gobolka.
Baaqan ayaa yimid xilli uu Ugaasku si kulul uga hadlay ciidamada uu ku tilmaamay maleeshiyaad beeleed ku shaqeynaya magaca dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo askarta ugu baaqay inaysan qayb ka noqon dagaallo uu ku tilmaamay kuwo ka dhan ah danaha bulshada gobolka Hiiraan.
Ka bixitaanka ciidamada Gorgor ee Jowhar iyo u jihaysigooda Beledweyne ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka iyo kala shakiga ka dhex jira ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada Hirshabeelle.
Dhaqdhaqaaqan ayaa sidoo kale sare u qaadaya walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee Hiiraan ay saamayso isku xirnaanta iyo wada shaqaynta ciidamada kala duwan ee dowladda.
