Maamulkii Laftagareen oo ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada Baydhabo

Wasaaradda Amniga ee Maamulkii Laftgareen ee xooga looga saaray Koonfur Galbeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan weerarada ay ku qaadeen Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay Gacabta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Ciidamada ku sugan Baydhabo laga keenay meelo kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed xilligii maamulkii hore, isla markaana loo daad-gureeyay degmooyin ay ku jirto Baydhabo.
Sida lagu sheegay bayaanka, weerarada ay fulinayaan Ciidamada taabacsan Laftagareen waxay billowdeen laba bilood ka hor, waxaana hadda ay marayaan wejigoodii ugu dambeeyay, iyadoo ujeeddadu tahay in si buuxda dib loogu soo celiyo awoodda iyo xasilloonida guud ee Koonfur Galbeed.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay in weerarkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ay gaareen ujeeddooyinkii loo qorsheeyay, islamarkaana kooxda lagu gaarsiiyay jab xooggan.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadu sii wadi doonaan hawlgallada ilaa dhammaan kooxaha hubeysan ee sharci-darrada ah laga saaro deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa uga mahadcelisay shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan bulshada Baydhabo, taageerada ay u muujiyeen ciidamada amniga iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Maamulka Laftagareen.
War-saxaafadeedka ayaa xusay in shacabka deegaanka ay muujiyeen garab istaag xooggan oo ay la barbar taagan yihiin ciidamada amniga, taas oo gacan ka geysatay horumarka laga sameeyay hawlgallada socda.
Dhanka kale, Ciidamada Dowladda waxaa lagu eedeeyay falal ay ka mid yihiin:
dhac iyo boob hubeysan,
baad, handadaad iyo dhibaateyn shacabka ah,
iyo bililiqo saameyn ku yeelatay bulshada rayidka ah.
Gabagabadii, Wasaaradda Amniga Maamulkii Laftagareen waxay mar kale caddeysay inay ka go’an tahay soo celinta nabadda, xasilloonida iyo ku dhaqanka sharciga guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.










