Author: Banaadir24 Editor

Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 4-aad, ayaa saakay waaberigii howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Alanleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku burburiyeen difaacyadii Ururka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaankaasi. Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday firxadkii ka haray jabkii hore loogu gaarsiiyay kooxdaasi deegaanka Jabad-Godane, waxaana ciidamada ay cagta mariyeen fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen, iyagoo gaarsiiyay khasaaro xooggan oo dhanka awooddooda ah. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in howlgallada sifeynta ay weli socdaan, lana baadi-goobayo firxad kasta oo isku dayaya inuu baxsado. Waxa ay sidoo kale xuseen in ciidamada ay ka…

Read More

Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si kulul uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabo halis ku ah amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika. Wareysi uu siiyay Telefishinka Al Jazeera, Wasiir Ayuub ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uusan ahayn mid siyaasadeed oo kaliya, balse uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu qaabeeyo marinnada ganacsiga ee Badda Cas, si ay ugu adeegaan danaha Israa’iil. Wasiirku wuxuu sheegay in waxa socda ay muujinayaan isku day ay Israa’iil ku doonayso inay ku yeelato…

Read More

Waxaa Maalintii labaad la filayaa inay Magaalada Muqdisho kulamo kale ku yeeshaan Guddiyada farsamada Golaha Mustaqbalka & Dowladda Soomaaliya, iyada oo kulankii ugu dambeeyay la sheegay inay heshiisyo hordhac ah ku gaareen. Wararka uu helay Banaadir24 ayaa sheegay in dhinacyadu ay ka heshiiyeen ilaa dhowr qodob, kuwaas oo kala ah:- 1- In Shirku uu ka dhaco Xarunta Xalane oo ah Aagga ay deganyihiin safaaradaha Reer Galbeedka & saaxiibbada Caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. 2- In Amniga Madaxda Jubbaland & Puntland ay gacanta ku hayaan Saraakiisha & Ciidamada labada maamul, kuwa dowladduna ay la shaqeyn doonaan, qodobkaan ayaa muujinaya kalsooni xumo…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa dib u bilawday kaalmada ay siiso Soomaaliya, kadib muddo kooban oo ay joojisay taageerada kadib markii ay soo ifbaxeen warar iyo muran ku saabsan dhac iyo burbur lagu sameeyay bakhaar ay leedahay World Food Programme (WFP) ee ku yaallay Dekadda Muqdisho. 7-di Janaayo 2026, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay in ay si ku meel gaar ah u joojisay dhammaan kaalmada mareykanka ee ku dhaceysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Sababta ugu weyn ee tallaabadan ayaa ahayd warar kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu eedeeyay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar ay maalgelisay WFP, isla…

Read More

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay fawdada ka dhacday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta isku dayga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur, uu ku doonayo in lagu sameeyo wax ka beddel aan heshiis lagu ahayn cutubyada Dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5aad ilaa 9aad iyo 1aad ilaa 4aad. Goluhu wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku cadaadinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu tallaabo degdeg ah u qaado wax ka beddelka Dastuurka, arrintaas oo lagu tilmaamay mid marin-habaabin ku ah bulshada Soomaaliyeed. Golaha ayaa sheegay in isbeddellada la soo jeediyay ay ka hor imanayaan xildhibaanada loo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dekadaha, gaadiidka badda, amniga iyo tamarta. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaarinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo xusay doorka muuqda ee dowladda Turkiga ka qaadatay dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha…

Read More

War cusub ayaa  kasoo baxay Kulan ay maanta yeesheen Guddiyadii Farsamada ee kala matalayey Golaha Mustaqabalka Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya, kaas oo siweyn ay isha ugu hayaan Shacabka Soomaaliyeed. Kulankan oo ahaa kulankoodii ugu horreeyey ayaa waxaa si buuxda uga qeyb-galay labada dhinac, wuxuuna ku bilowday jawi isfahan iyo wada-shaqeyn wanaagsan, taas oo muujinaysa in dhinacyadu diyaar u yihiin in arimaha masiiriga ah horumar laga sameeyo. Kulanka qeybtiisa labaad ayaa waxaa loo balamey maalinka berri ah oo ku beegan 29 Janaayo 2026, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo ay soo wada saareen dhinacyada ku kulmay Muqdisho. Kulankaan ayaa kusoo aadaya…

Read More