LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo goordhow cambaareysay…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Kuwait, kaddib weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday dhulka Kuwait.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarradan, iyadoo lagu tilmaamay falal khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana lid ku ah qawaaniinta iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay inay si buuxda u taageersan tahay madaxbannaanida Dowladda Kuwait, amnigeeda, xasilloonideeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyadoo sheegtay in Kuwait ay tahay dal walaal ah oo Soomaaliya la wadaagta xiriir taariikhi ah, iskaashi dhow iyo walaaltinimo soo jireen ah.

Qoraalka dowladda ayaa lagu yiri in weerarrada noocan ah ay halis weyn ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka Khaliijka, isla markaana ay horseedi karaan xaalad sii murugta haddii aan si degdeg ah looga hortagin.

Soomaaliya waxay sidoo kale ku baaqday in dhinacyada ay khuseyso ay muujiyaan is-xakameyn iyo masuuliyad siyaasadeed, si looga fogaado xaalad kasii darto oo saameyn ku yeelata gobolka iyo dunidaba.

Dowladdu waxay xustay in wada-hadal iyo xal diblomaasiyadeed ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo xiisadaha taagan, iyadoo adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

Dhammaadka war-saxaafadeedka, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay inay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait waqtigan adag, isla markaana ay taageersan tahay dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo deganaansho gobolka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *