Muqdisho (Banaadir24) — Mucaaradka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan safaaradaha shisheeye ee Muqdisho, gaarsiiyeen farriin culus oo la xiriirta sharciyadda hay’adaha dowladda, iyagoo ku doodaya in hay’adaha Dowladda Federaalka ay lumiyeen sharciyaddii dastuuriga ahayd ee ay ku sii shaqeyn lahaayeen.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mucaaradku safaaradaha u gudbiyeen aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku eedeeyay hay’adaha dowladda inay abuureen kala qaybsanaan siyaasadeed iyo amni-darro horseedday iska horimaadyo hubeysan. Waxay sidoo kale cuskanayaan go’aan ay sheegeen inuu ka soo baxay Maxkamadda Sare, kaas oo ay u arkaan mid saameyn ku leh sharciyadda hay’adaha dowladda iyo muddada xil-heyntooda.
Mucaaradka ayaa la sheegay inay dalalka shisheeye uga digeen inay sii wadaan taageerada siyaasadeed iyo heshiisyada ay la leeyihiin hay’adaha ay ku muransan yihiin sharciyaddooda, iyagoo ku dooday in tallaabo kasta oo taageero ah ay mustaqbalka dhalin karto isla xisaabtan siyaasadeed iyo mid sharci.
Xogaha la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in mucaaradku doonayaan in mashaariicda iyo taageerada dhaqaale ee tooska ah ee dowladda dib loo qiimeeyo, isla markaana hay’adaha dowladda loola macaamilo iyadoo la tixgelinayo muranka ka taagan sharciyaddooda iyo xaaladda xil-gaarsiinta.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa la sheegay inay diyaarinayaan tallaabooyin siyaasadeed oo dheeraad ah, haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan aqbalin go’aanka Maxkamadda Sare ee ay qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradku taageereen.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, waxaana muuqata in mucaaradku doonayaan inay cadaadis diblomaasiyadeed ku saaraan dowladda, iyagoo arrinta sharciyadda hay’adaha dowladda gaarsiinaya safaaradaha iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Isha khilaafka ayaa hadda u muuqata mid ka gudbaysa gudaha dalka, una gudbaysa fagaaraha diblomaasiyadda caalamiga ah.
