Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Taliska Militariga Soomaaliya ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada amniga Magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo dheeraad ah la geeyay meelihii furnaa ee laga soo geli jiray magaalada, gaar ahaan marinnada aan ka tirsanayn kontoroolada rasmiga ah ee laga soo galo magaalada. Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalintii Axadda ciidamo dhigeen qaybo ka mid ah duleedka waqooyi ee magaalada. Goobahan ayaa si gaar ah muhiim u noqday kadib markii Sabtidii ay halkaasi ka soo galeen ciidamo taageersan Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Ciidamadaasi soo galay Baydhabo ayaa la sheegay in markii…
Waxaa maanta lagu wadaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyo Sacdiyo Macalin Cali, oo si weyn loogu yaqaan “Sacdiyo Bajaaj”, kaddib muddo ku dhow 50 cisho oo ay ku xirneyd hay’adaha ammaanka Soomaaliya. Sacdiyo ayaa caan ka noqotay baraha bulshada, halkaas oo ay si joogto ah ugu soo bandhigi jirtay aragtideeda ku aaddan arrimaha bulshada, siyaasadda iyo xaaladaha ka jira dalka. Waxaa sidoo kale si weyn loogu xasuustaa shaqadeedii mooto bajaajta, taas oo sababtay magaca ay bulshada badankiisu ku yaqaannaan ee “Sacdiyo Bajaaj”. Intii ay ku firfircooneyd baraha bulshada, Sacdiyo waxay si cad u cabbiri jirtay fikradaheeda, iyadoo marar badan…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo lagu qaaday guri uu magaalada Jowhar ka degan yahay Taliye Saneey Cabdulle, ayaa hadda ah Taliyaha Guutada 3aad ee Ciidanka xoogga dalka. Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in bam-gacmeed lagu weeraray gurigaasi xilli ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamo hoostaga Taliye Saneey Cabdulle. Guriga la weeraray ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay fariisin ay degan yihiin ciidamada uu taliyehaasi hoggaamiyo. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu sababay dhaawaca hal askari oo kamid ah ciidamada ku sugnaa guriga xilliga uu qaraxa dhacay. Lama soo sheegin wax…
Khilaaf siyaasadeed oo xoogan ayaa ka dhex curtay xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo shalay si rasmi ah loogu dhaariyay magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulkaasi. Khilaafka ayaa salka ku haya habraaca loo wajahayo doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub iyo cidda si ku-meel-gaar ah u maamuleysa kulamada ugu horreeya ee golaha. Xogaha la helayo waxay sheegayaan in muranka ugu weyn uu ka taagan yahay xildhibaanka guddoominta ku-meel-gaarka ah qabanaya. Sida ku cad habraacyada baarlamaaniga ah ee dowlad goboleedyada, xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha ayaa yeelanaya mas’uuliyadda furitaanka kulanka ugu horreeya iyo hagidda geeddi-socodka doorashada guddoonka Baarlamaanka.…
Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kulamo gaar ah la yeeshay wakiillo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka siyaasadeed, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo muranka la xiriira muddo xileedka hoggaanka dowladda. Xog gaar ah oo uu helay Banaadir24.com ayaa tilmaamaysa in kulamadan, oo u dhacay si hoose isla markaana aan si rasmi ah loo shaacin, ay qayb ka yihiin dadaallo uu Turkigu ku doonayo inuu ku yareeyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa, xilli Soomaaliya wajahaysa marxalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah. Sida ay…
Ugu yaraan laba arday ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka in ka badan 30 kalena ay dhaawacmeen kaddib qarax xalay ka dhacay xarunta Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Gondar ee dalka Itoobiya, xilli ay ardaydu daawanayeen ciyaar dhexmartay kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain (PSG). Goob-joogayaal ku sugnaa gudaha jaamacadda ayaa sheegay in qaraxu dhacay xilli ay arday badan isugu yimaadeen meel ay si wadajir ah uga daawanayeen ciyaarta, taasoo sababtay argagax iyo kala carar degdeg ah. Dhaawacyada ayaa la sheegay inay isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo culus, iyadoo qaar kamid ah dadka dhaawacmay loo qaaday xarumo caafimaad oo ku…
Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay fadhigoodii ugu horreeyay, kaas oo ay ku meel mariyeen qaraar dhigaya lacagta laga qaadayo musharraxiinta u tartamaya guddoonka Golaha. Sida lagu go’aamiyay kulanka, musharraxa u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxaa laga rabaa inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo doollar. Sidoo kale, musharraxiinta u tartamaya xilalka Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ayaa laga doonayaa lacag gaareysa 10,000 oo doollar, halka musharraxa u taagan xilka Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad laga qaadayo 5,000 oo doollar. Go’aankan ayaa qayb ka noqday ajandihii ugu horreeyay ee ay ka doodeen mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiillada…
Waxaa isa soo taraya hadallada iyo walaaca laga muujinayo cadaadis la sheegay inuu maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku saarayo culimo iyo dadweyne si cad uga hadlay arrimaha la xiriira Israa’iil iyo xiriirka uu maamulka la yeeshay. Maalmihii u dambeeyay, culimo Soomaaliyeed oo ku sugan deegaannada Somaliland ayaa masaajidda iyo goobaha bulshada isugu timaaddo ka jeediyay muxaadarooyin iyo khudbado ay kaga hadlayaan waxa ay ku tilmaameen khataraha siyaasadeed, diimeed iyo bulsho ee ka dhalan kara xiriir kasta oo lala yeesho Israel. Culimadan ayaa si weyn uga hadlay arrimaha la xiriira magaalada Jerusalem iyo xaaladda ka taagan…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib ugu yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, kadib markii uu ka qaybgalay kulan lagu qabtay magaalada Nairobi, kaas oo wararku sheegayaan in uu xiriir la lahaa dowladda Israel. Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dowladda, go’aanka dib loogu yeeray safiirka ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen sawirro muujinaya safiirka oo ka qeybgalaya shir ku saabsanaa wax-soo-saarka avocado-ga, isla markaana halkaas kula kulmay masuuliyiin ay kamid yihiin wakiilka Israa’iil u jooga Kenya. Arrintan ayaa dhalisay falcelin gudaha dowladda ah, iyadoo lagu tilmaamay mid si weyn uga hor iman karta…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wadatashiyada siyaasadeed ee socda. Ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in soo laabashada Farmaajo ay kusoo beegantay xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulo siyaasadeed oo xooggan, kuwaas oo la xiriira kulamo wadatashi ah iyo banaanbaxyo la qorsheeyay inay qabsoomaan 4-ta Juun, kuwaas oo si dhow ula xiriira jihada siyaasadeed ee dalka iyo burburinta ay dowladdu ku saneysay Guryaha rayidka.…