Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid warqad shalay ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in maamullada gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ay si toos ah uga amar qaataan Dowladda Federaalka. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay si cad uga hor imaaneyso dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka ee lagu heshiiyay. Wasaaraddu waxay tilmaantay in maamulka gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ay hoos yimaadaan dowlad goboleedka, isla markaana aysan jirin wax amar toos ah…
Degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal muddo ku dhow hal saac socday, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA). Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka dekaddii hore ee Marka, gaar ahaan xaafadda Horseed, waxaana la sheegay inuu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah ee waxyeellada ka dhalatay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horimaadka uu ka dhashay kadib markii ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo ka amar qaata Taliye kuxigeenka Nabadsugida degmada marka oo Magaciisa lagu…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Hay’adda Nabadsugida ito Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgalla Gudaha Magaalada MARKA. Dagaalka ayaa sigaar ah waxaa uu u dhaxeeyaa Ciidamo ay kala wataan Taliyaha Nabadsugida degmada Marka Maxamed Sheekh iyo kuxigeenkiisa oo Magaciisa lagu soo koobay Tubaako, waxaana la sheegay in dagaalka uu salka ku haayo jaad ( Qaad) lagu dhacay Gudaha Suuqa degmada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka,…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay bilowday adeegsiga diyaaradaha rayidka si loogu taageero hawlgallo militari, iyadoo duulimaad u qorsheysnaa inuu dadweyne ka qaado Muqdisho kuna sii jeedo Dhoobley loo wareejiyay degmada Buurhakaba. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in diyaaraddaasi loo adeegsaday qaadista saanad militari iyo ciidamo, taasoo muujinaysa heerka sare ee xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed. Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan is-maandhaafka siyaasadeed iyo midka amni ee ka aloosan gobolka, iyadoo labada dhinac ay u muuqdaan kuwo isu diyaarinaya awood muujin iyo isku dhac toos ah. Dowladda Federaalka ayaa ku dadaalaysa inay…
Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, Kabtan Cabixakiin Ceeldheer, ayaa maanta diyaarad ku gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu u tegay dardargelinta howlaha amni ee ciidamadu ka wadaan magaalada. Safarka Taliyaha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay sare u qaadayso dadaallada lagu sugayo amniga Baraawe, oo ah caasimadda rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Kabtan Ceeldheer uu kulamo la qaadan doono saraakiisha ciidanka Haramcad , si loo xoojiyo wada shaqeynta amniga iyo xasilinta guud ee magaalada. Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ciidamo ka tirsan Haramcad u…
Waxaa maanta degmada Buurhakaba ee gobolka Baay lagu soo bandhigay boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Badbaadada Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi lagu tababarayay laguna diyaarinayay. Munaasabadda lagu soo bandhigayay ciidamadan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Xuseen Eelaay, Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan, iyo masuuliyiin kale. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan loogu talo galay inay la dagaalamaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo. Arrintan ayaa muujineysa xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan maamulka Koonfur…
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagtay Dowladda iyo Shacabka walaalaha ah ee Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Turkiga, kadib geerida naxdinta leh ee toddobo qof oo ku naf waayay shil diyaaradeed (helicopter) oo ka dhacay dhulka Qatar, iyagoo gudanayay waajibaadkooda shaqo. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale tacsi qalbi leh u dirayso qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday musiibadan murugada leh, iyadoo xaqiijinaysa garab istaag buuxa oo ay la leedahay Qatar iyo Turkiga xilligan adag. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo marxuuminta,…
Ciidamada xaq u dirirka Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka, weerarkan ayaa ahaa mid si taxadar leh loo qorsheeyay, islamarkaana si guul leh kusoo dhammaaday. Saraakiishu waxay tilmaameen in bartilmaameedka howlgalka si sax ah loo gaaray, isla markaana aan wax khasaare ah kasoo gaarin dhinaca ciidamada fuliyay. Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada Macawiisleyda iyo shacabka deegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo muddooyinkii…
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo dhowaan kasoo laabtay gudashada Cumrada, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhibaatooyin uu sheegay in ay ka jiraan adeegyada loo fidiyo Xujayda Soomaaliyeed ee ku sugan dhulka Barakeysan. Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddadii uu ku sugnaa Cumrada uu arkay arrimo uu ku tilmaamay cadaalad darro, gaar ahaan sida uu sheegay in si gaar ah loola dhaqmo beesha Daarood, isagoo xusay in lagu gacan bidixeeyo arrimaha la xiriira Xajka iyo Cumrada. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyay Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mukhtaar…
Xidlhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, oo haatan ah Xoghayaha Xisbiga JSP, ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo inuu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in kulankaas kadib Odawaa uu si rasmi ah isaga casili doono xilka Xoghayenimo ee xisbiga. Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in go’aankaasi uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay hoggaanka xisbiga iyo madaxweynaha. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in xubno kale oo ka tirsan xisbiga ay ku biiri doonaan tallaabada Odawaa, kuwaas oo lagu tilmaamay inay…