DEG DEG: Dagaal ka socda Magaalada Marka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Hay’adda Nabadsugida ito Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgalla Gudaha Magaalada MARKA.
Dagaalka ayaa sigaar ah waxaa uu u dhaxeeyaa Ciidamo ay kala wataan Taliyaha Nabadsugida degmada Marka Maxamed Sheekh iyo kuxigeenkiisa oo Magaciisa lagu soo koobay Tubaako, waxaana la sheegay in dagaalka uu salka ku haayo jaad ( Qaad) lagu dhacay Gudaha Suuqa degmada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, iyada oo la soo sheegayo in weli uu dagaalka ka socdo Gudaha degmada Marka, isla markaana uu ku faafayo Goobo horleh, iyadad oo dadka Shacabka ah ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.
Wararka kusoo kordha dagaalka halkan kala socda.









