LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiir Ceeydiid” Beesha Daarood waa lagu dhibaa Xajka & Cumrada”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo dhowaan kasoo laabtay gudashada Cumrada, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhibaatooyin uu sheegay in ay ka jiraan adeegyada loo fidiyo Xujayda Soomaaliyeed ee ku sugan dhulka Barakeysan.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddadii uu ku sugnaa Cumrada uu arkay arrimo uu ku tilmaamay cadaalad darro, gaar ahaan sida uu sheegay in si gaar ah loola dhaqmo beesha Daarood, isagoo xusay in lagu gacan bidixeeyo arrimaha la xiriira Xajka iyo Cumrada.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyay Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Roobow, iyo walaalkiis, isagoo ku eedeeyay inay ku takri falaan maamulka iyo habsami u socodka adeegyada Xajka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrimahan ay saameyn taban ku leeyihiin guud ahaan Xujayda Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin adeeg xumo iyo sinaan la’aan.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka inay si degdeg ah wax uga qabato cabashooyinka ka imaanaya Xujayda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo in si caddaalad ah oo hufan loogu adeego dhammaan dadka gudanaya waajibaadka Xajka iyo Cumrada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *