Jigjiga (Banaadir24) — Hoggaanka nabadgelyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdulqaadir Rashid Duaale, ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in ciidamo uu tababaray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan ka tallaabay xadka Itoobiya ay hadda ku jiraan hannaan dib loogu maamulayo, iyadoo arrintooda ay ku lug leeyihiin labada dal.
Ciidamadan ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe lagu hayey gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, balse markii dambe loo daad-gureeyey magaalada Diridhaba. Xogaha madax-bannaan ee la soo xigtay ayaa tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen xaaladda ciidamadan, iyadoo ay suuragal tahay in dib loogu celiyo Soomaaliya diyaarado.
Ciidamadaan ayaa badankood laga soo qoray deegaanada Ismaamulka Soomaalida, waxaana lagu tababaray Xananbuure. Qorshihii hore ayaa la sheegay inuu ahaa in loo adeegsado hawlgallo laga fulinayo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada Soomaaliya, hase yeeshee qorshahaasi ma hirgelin.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in markii dambe la qorsheeyey in ciidamadan loo diro deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, iyagoo sidoo kale isku dayey inay u gudbaan Baardheere, balse qorshayaashaas aysan suuragelin.
Xaaladda ciidamadan ayaa hadda ku xiran wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana weli u baahan xaqiijin madax-bannaan faahfaahinta ku saabsan goorta iyo qaabka dib loogu celin doono Soomaaliya.
