LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Faah faahin: Dagaalkii Maanta ka dhacay Gudaha Magaalada Marka

Degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal muddo ku dhow hal saac socday, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA).

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka dekaddii hore ee Marka, gaar ahaan xaafadda Horseed, waxaana la sheegay inuu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah ee waxyeellada ka dhalatay.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horimaadka uu ka dhashay kadib markii ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo ka amar qaata Taliye kuxigeenka Nabadsugida degmada marka oo Magaciisa lagu soo kobay tubaako ay dhaceen qaad (jaad) laga soo dejinayay Badda. Arrintaas ayaa la sheegay inay ka caraysiisay ciidamo kale oo isla hay’adda ka tirsan, kuwaas oo uu xukumo Taliyaha Nisa ee degmada Marka Maxamed Sheekh, kuwaas oo isku dayay inay ka qaadaan qaadka la dhacay, taasoo ugu dambeyn isku beddeshay dagaal toos ah.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Horseed ayaa sheegay in hadda rasaastu ay istaagtay, balse ay ka cabsi qabaan in dhinacyadu ay sameeyaan hub aruursi dagaalkana uu isku bedelo dagaal qabiileedkii horay ugu dhici jiray degmada Marka, kaas oo keenay in dad badan ay dhintaan kuwo kalena ay ka barakacaan degmada Marka

Ilaa iyo hadda, maamulka degmada Marka iyo laamaha ammaanka kama aysan hadlin dhacdadan, waxaana la filayaa in saraakiisha ciidamada ay dadaal ku bixiyaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka sababay iska horimaadka.

Xaaladda degmada Marka ayaa haatan degan, balse weli waxaa jirta cabsi ku aaddan suurtagalnimada in mar kale ay xiisado soo cusboonaadaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *