LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawiro:- Taliyaha Ciidanka Haramcad oo Ciidamo farabadan la tegay degmada Baraawe iyo…

Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, Kabtan Cabixakiin Ceeldheer, ayaa maanta diyaarad ku gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu u tegay dardargelinta howlaha amni ee ciidamadu ka wadaan magaalada.

Safarka Taliyaha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay sare u qaadayso dadaallada lagu sugayo amniga Baraawe, oo ah caasimadda rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Kabtan Ceeldheer uu kulamo la qaadan doono saraakiisha ciidanka Haramcad , si loo xoojiyo wada shaqeynta amniga iyo xasilinta guud ee magaalada.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ciidamo ka tirsan Haramcad u dirtay degmada Baraawe, kuwaas oo si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga magaalada, kadib markii ay kala wareegeen ciidamada Koonfur Galbeed.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in magaalada Baraawe lagu qabto doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taasoo keentay in si gaar ah loo adkeeyo amniga magaalada.

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe martigelinaysay dhaq-dhaqaaqyo amni iyo kuwo siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo dowladda ay dooneyso in magaalada ay noqoto xarun amni ahaan xasilloon oo lagu qabto howlaha muhiimka ah ee dowladnimada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *