LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo diyaarad Shacab u qaadi laheyd Dhoobleey u bedeshay diyaarad Millateri

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay bilowday adeegsiga diyaaradaha rayidka si loogu taageero hawlgallo militari, iyadoo duulimaad u qorsheysnaa inuu dadweyne ka qaado Muqdisho kuna sii jeedo Dhoobley loo wareejiyay degmada Buurhakaba.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in diyaaraddaasi loo adeegsaday qaadista saanad militari iyo ciidamo, taasoo muujinaysa heerka sare ee xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan is-maandhaafka siyaasadeed iyo midka amni ee ka aloosan gobolka, iyadoo labada dhinac ay u muuqdaan kuwo isu diyaarinaya awood muujin iyo isku dhac toos ah. Dowladda Federaalka ayaa ku dadaalaysa inay ciidamo badan isugu geyso Buurhakaba, si ay u xoojiso joogitaankeeda islamarkaana ay u suurageliso dhaqdhaqaaqyo militari oo ku wajahan magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, wararka amni ayaa sheegaya in waddooyinka u dhexeeya Buurhakaba iyo Baydhabo ay weli ka jiraan khataro amni, oo ay ku jiraan joogitaanka kooxo hubeysan oo argagixiso ah. Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ciidamada Dowladda Federaalka ay hadda diiradda saarayaan xiisadda kala dhaxeysa maamulka Koonfur Galbeed, halkii ay si buuxda ugu jeedsan lahaayeen la dagaallanka kooxahaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *