Xildhibaan Cabdiraxman Odawaa oo kusoo wajahan Muqdisho, maxaa kajira in uu iska casilayo Xisbiga JSP?

Xidlhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, oo haatan ah Xoghayaha Xisbiga JSP, ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo inuu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in kulankaas kadib Odawaa uu si rasmi ah isaga casili doono xilka Xoghayenimo ee xisbiga. Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in go’aankaasi uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay hoggaanka xisbiga iyo madaxweynaha.
Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in xubno kale oo ka tirsan xisbiga ay ku biiri doonaan tallaabada Odawaa, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ka gadoodsan yihiin habka hoggaaminta iyo go’aannada uu qaadanayo Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo ay u arkaan kuwo aan dalka dan u ahayn.
Arrintan ayaa imaneysa xilli uu jiro xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, taas oo laga dareemayo gudaha xisbiyada iyo guud ahaan siyaasadda dalka.









