Maamulka Koonfur Galbeed oo kasoo horjeestay Ammar kasoo baxay Dowladda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid warqad shalay ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in maamullada gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ay si toos ah uga amar qaataan Dowladda Federaalka.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay si cad uga hor imaaneyso dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka ee lagu heshiiyay. Wasaaraddu waxay tilmaantay in maamulka gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ay hoos yimaadaan dowlad goboleedka, isla markaana aysan jirin wax amar toos ah oo ay ka qaadan karaan hay’adaha federaalka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xustay in tallaabadan ay wiiqeyso habraacyadii dowladnimo ee la isla oggolaaday, isla markaana ay dhaawaceyso xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka inay ixtiraamto nidaamka federaalka, ayna ka fogaato faragelin ay ku sameyso arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada.
Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay caddeysay in ay sii wadi doonto difaaca awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee u gaarka ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.










