Sawirro:- Mucaaradka Koonfur Galbeedoo soo bandhigay Ciidamo la dagaalama Madaxweyne Laftagareen

Waxaa maanta degmada Buurhakaba ee gobolka Baay lagu soo bandhigay boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Badbaadada Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi lagu tababarayay laguna diyaarinayay.
Munaasabadda lagu soo bandhigayay ciidamadan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Xuseen Eelaay, Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan, iyo masuuliyiin kale.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan loogu talo galay inay la dagaalamaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo. Arrintan ayaa muujineysa xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan maamulka Koonfur Galbeed iyo Mucaaradka oo ay qeyb ka tahay Dowladda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida ciidamadan ay ku gaari doonaan magaalada Baydhabo, maadaama waddada isku xirta Buurhakaba iyo Baydhabo ay inta badan gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo caqabad ku noqon karta dhaqdhaqaaqooda.
Dhanka kale, dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu magaalada Baydhabo ku soo bandhigay boqolaal askari oo uu tababar u soo xiray, kuwaas oo uu sheegay inay difaaci doonaan maamulka Koonfur Galbeed.
Xaaladda ayaa weli u muuqata mid cakiran, iyadoo laga cabsi qabo in xiisaddan ay isku beddesho iska hor imaad hubeysan oo saameyn ku yeesha amniga guud ee gobolka Baay, iyada oo qaar kamid ah Shacabka Magaalada Baydhabo ay barakaceen ,iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana waxyeelo ay soo gaarto.










