Author: Banaadir24 Editor

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka jira iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo is-afgarad. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Cali Daahir Ciid ku muujiyay in uusan jirin xal lagu gaari karo colaadda iyo cadaadiska siyaasadeed, balse ay muhiim tahay in labada dhinac ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si ay uga arrinsadaan waxyaabaha la isku hayo. “Ma jirto xal lagu gaari karo qori caaraddii ama cadaadis siyaasadeed. Waddada kaliya ee furan waa in la isku…

Read More

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa si cad uga horyimid qorshe kasta oo dagaal oo laga fulinayo magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed. Wasiirka ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in uu taageero ama ka qeyb qaato weerar lagu qaado deegaan ay ku nool yihiin dad badan oo ay isku hayb yihiin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Baydhabo ay tahay magaalo ay ku nool yihiin malaayiin qof oo rayid ah. Sheekh Mukhtaar Roobow oo asal ahaan ka soo jeeda Baydhabo ayaa xusay in mas’uuliyaddiisa diimeed iyo midda qaranba aysan u…

Read More

Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa wada dadaallo diblumaasiyadeed oo la xiriira xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo laga cabsi qabo inay isu beddesho gacan ka hadal hubeysan. Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, diblumaasiyiinta ayaa xiriiro la sameeyay labada dhinac, iyaga oo ku booriyay in khilaafka jira lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad ay hoggaaminayaan dhinacyada Soomaaliyeed. Waxay si gaar ah carrabka ugu adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac. Dhinaca kale, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku…

Read More

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u magacawday maareeye cusub oo loo xil saaray garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur, xarunta gobolka Bakool, iyada oo xilkii laga qaaday Maareeyihii Garoonka diyaaradaha xudur iyo kuxigeenkiisii. Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu magacaabay Cabdullaahi Aadan Cabdiraxmaan inuu noqdo maareeyaha cusub ee garoonka Xudur. Sidoo kale, Jibriil Yuusuf Maaney ayaa loo magacaabay ku-xigeenka maareeyaha garoonka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay waafaqsan tahay dastuurka Koonfur Galbeed iyo shuruucda kale ee dalka, iyadoo wasaaraddu xustay in mas’uuliyiinta cusub laga doonayo…

Read More

Wararka laga helayo degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo gaar ah oo dhawaan la aas-aasay lagu wado in la geeyo halkaas, sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso boqolaal askari ayaa lagu soo tababaray xerada Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad, gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidankan cusub waxaa taliye looga dhigay nin lagu magacaabo Aadan Dheere, kaas oo hore uga tirsanaa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA). Magacaabistiisa ayaa timid xilli aan wali si rasmi ah loo caddeyn ujeedka dhabta ah ee loo aas-aasay ciidamadan. Dowladda Federaalka Soomaaliya illaa iyo hadda wax faahfaahin…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku muujinayaan walaac xooggan oo ku saabsan kordhinta howlgallada milatari ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), kuwaas oo ka socda deegaanada maamulkaas. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xaaladda amni ee Koonfur Galbeed ay si degdeg ah uga sii dareyso, iyadoo laga cabsi qabo in ay isu beddesho dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadannimo oo baahsan. Maamulka ayaa ku eedeeyay DFS in ay khilaafaadka siyaasadeed ku xallinayso awood ciidan halkii laga mari lahaa hannaan dastuuri ah iyo wadahadal. Sidoo kale, Koonfur Galbeed ayaa tilmaantay in ciidamada dowladda ee la keenay deegaanadooda,…

Read More

Odayaal dhaqan oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay dadaallo waan-waan ah oo lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Ugaas Shire Ugaas Warsame, oo ka mid ah isimada dhaqanka Koonfur Galbeed isla markaana ah Ugaaska Beesha Wacdaan Cismaan, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in labada dhinac ay ku qanciyaan in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal toos ah. Ugaaska ayaa xusay in gogosha wada-hadalka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, halkaas oo la filayo in ay isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed si xal looga gaaro tabashooyinka jira. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay…

Read More

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Labada Aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo tiradoodu gaareyso 136 mudane, ayaa si kulul uga digay duulaan hubeysan oo la sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku qaaday Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xildhibaannadan ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo tallaabo kasta oo militari oo halis gelin karta xasilloonida iyo nidaamka dowladnimo ee dalka. Sidoo kale, mudanayaashu waxay si cad u taageereen magacaabista Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo qabashada doorashooyinka maamulkaasi, iyagoo sheegay inay…

Read More

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay in hub laga keenay Masar loo isticmaalayo weerarro ka dhan ah deegaannada maamulkaas, gaar ahaan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Qoraal lagu daabacay barta X, ayay wasaaraddu ku sheegtay in hubkan loo adeegsanayo kicinta colaado iyo wiiqidda nabadgelyada, iyadoo ku tilmaantay arrintan mid halis ku ah xasilloonida guud ee gobolka. Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay walaac ku saabsan ujeeddooyinka ka dambeeya hubkan, iyagoo ku eedeeyay in ay jiraan qorshayaal lagu doonayo in lagu wiiqo ammaanka iyo jiritaanka maamulka, isla markaana lagu bartilmaameedsado ciidamada Itoobiya ee ku sugan qayb…

Read More

Wararka laga helayo degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ka dhacay aagga garoonka diyaaradaha, kaddib markii diyaarad ay dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) lagu hor istaagay inay halkaas ka degto. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas lagu furay diyaaradda, taasoo ku qasabtay inay dib ugu laabato degmada Xudur. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadkaas uu sababay khasaare, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd degmooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin…

Read More