Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleen ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, uu ku dhammaaday isfaham la’aan la xiriirta nooca doorashooyinka la qorsheynayo. Sida xoguhu tilmaamayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin isku sidkan oo hal mar wada dhacaya, kuwaas oo ay ku jiraan doorashooyinka heer degmo, heer dowlad goboleed, iyo suurtagalnimada in lagu daro kuwa heer federaal. Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu mideynayo habraaca doorashooyinka dalka, si looga gudbo nidaamka…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah ugu wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalka uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, isla markaana ku saleysan shuruucda dalka. Wasaaraddu waxay xustay in doorashadu tahay xaq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta, door muhiim ahna ka qaata dhismaha kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo xoojinta ka qaybgalka bulshada ee go’aan-qaadashada. Sidoo kale, waxay tilmaamtay in nidaamka doorashooyinka uu fursad siinayo shacabka inay si xor ah u doortaan cidda ku matalaysa hay’adaha kala duwan ee dowladda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay…
Wafdi ballaaran oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, iyadoo ay weli jirto xayiraad safar oo horay u soo rogtay dowladda Federaalka. Wafdigan waxaa hoggaaminaya Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana sidoo kale ka mid ah Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) iyo Xildhibaan Xasan Cabdinuur. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in wafdigu uu ka soo kicitimay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, hase ahaatee aan si rasmi ah loo xaqiijin waddada saxda ah ee ay soo mareen. Wararka ayaa tilmaamaya in ay gaareen xadka ay wadaagaan…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolka Shabeellaha Hoose, si ay uga qeyb qaataan howlgalka ballaaran ee loogu magac daray “Seefta Qarsoon,” kaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida deegaannada muhiimka ah ee gobolkaasi. Ciidamadan cusub ayaa la qorsheeyay in ay fuliyaan howlgal lagu nadiifinayo wadada istaraatiijiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baraawe, taas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka, ganacsiga, iyo isu socodka shacabka. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii lagu guuleystay in dib loo furo wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marka, taas oo muddo caqabado amni ay ka jireen. Saraakiil ka…
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Faqi, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in hubkii qaranka ee ay bixiyeen dowladaha caalamka loo adeegsaday dagaal sokeeye, isla markaana lagu hubeeyay maleeshiyaad ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Guddoomiyaha ayaa eedeyntan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter), isagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan sida loo isticmaalayo hubka loogu talagalay difaaca qaranka. Cali Saciid Faqi ayaa xusay in hubkan markii hore ay bixisay dowladda Masar si loogu taageero amniga qaranka Soomaaliya loogana difaaco cadawga dhabta ah ee dalka, balse aan marnaba loogu talagelin in loo adeegsado…
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa magacaabay Taliyaha cusub ee Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo, xilli uu sii xoogaysanayo loolanka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha ayaa Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey) loogu magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo. Magacaabistaan ayaa timid maalin uun ka dib markii uu Taliye Asad xilka Taliyaha Booliska Gobolka Baay u magacaabay Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe, kaas oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii hurinaysa khilaafka u dhaxeeya Madaxda Federaalka iyo maamulka Madaxweyne Cabdicasiis…
Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa naqdin adag u jeediyay doorka Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ay ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay faragelintooda mid “caqabad ku noqotay” dib-u-soo-kabashada qaranka. Senator Samatar waxa uu sheegay in faragelintii caalamiga ahayd ee soo bilaabatay sanadkii 2006 ay dalka dhaxalsiisay daciifnimo iyo dib-u-dhac. Waxa uu ku dooday in taageerada caalamiga ah ay xoojisay nidaamka qabaa’ilka ku dhisan, taasna ay wiiqday dadaalladii ay Soomaalidu horumuudka ka ahayd ee lagu dhisayay dowladnimo adag. Isagoo ka hadlayay doorka ciidamada Midowga Afrika, Senator Samatar ayaa ku sifeeyay shaqada…
Ciidamada la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay hub ay sheegeen inay kaga furteen Ciidamada Koonfur Galbeed oo ay la dagaallameen, kadib dagaal shalay aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo. Ka sokow warkaan kasoo baxay Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ay sheegeen in weerarka ay iyagu qaadeen, iyagoo bartilmaameedsaday maleeshiyaad ay ku tilmaameen argagaxiso oo isku abaabulayay duleedka Baydhabo, iyaga oo intaas ku daray inay si buuxda ula wareegeen goobtii uu dagaalku ka dhacay. Ilo deegaanka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhacay Tuulada Raama-Hudo oo ka tirsan deegaanka Gaalooga, taasi…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay maamulkiisu ku dhawaaqaan guddiga doorashada ee qaban doona doorashada madaxtinimada maamulkaas. Arrintan ayaa imaneysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Villa Somalia iyo hoggaanka Koonfur Galbeed, kaasi oo salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo. Madaxweyne Laftagareen ayaa doonaya in la qabto doorasho dadban, halka dowladda federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Haddii guddiga doorashada lagu dhawaaqo, isla markaana doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo oo Laftagareen mar kale ku soo baxo, waxay taasi dhabar jab siyaasadeed…
Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo hadallo kulul oo labada dhinac ka imanaya. Wararka laga helayo gobollada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay ciidamo geysay degmada Baraawe, isla markaana maleeshiyaad lagu abaabulay degmada Buurhakaba. Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inuu ciidamo fara badan ku diyaarsaday magaalada Baydhabo, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhacyo dhaca. Sidoo kale, xaaladda ayaa sii cakirmeysa kadib markii qaar ka mid ah wasiirada Koonfur Galbeed, gaar ahaan…