Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed, waxaana kulanka looga hadlay xaaladda ka taagan deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay xaaladaha deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara laga gaaro xaaladaha ka taagan deegaanadaasi. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn odayaasha uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan horumarka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan kaalintooda adkeynta dowladnimada iyo…
Khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ka dhex qarxay hoggaanka Xisbiga JSP, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in xubno badan oo miisaan culus ku lahaa xisbiga ay qorsheynayaan inay iska casilaan xubin-nimadooda maalmaha soo socda. Khilaafkan ayaa salka ku haya ismaandhaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha xisbiga iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, kaas oo sii xoogeysanayay toddobaadyadii u dambeeyay. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu xisbiga iska casilay Guddoomiye ku-xigeenkii xisbiga, ahna Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen,…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen weerar xalay ka dhacay magaalada Dimona, oo ah goob muhiim u ah barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas. Weerarkan ayaa la sheegay in ay fulisay dowladda Iran, inkastoo faahfaahin dheeraad ah weli la sugayo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, weerarka ayaa sababay khasaare isugu jira dhaawacyo iyo burbur hantiyeed, iyadoo ciidamada ammaanka iyo kuwa gurmadka degdegga ah si dhaqso ah uga hawlgaleen goobta. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla nawaaxiga Dimona si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. Ilaa hadda, dowladda Ira*n…
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa si cad u dhaliilay habka ay dowladda Federaalka u maareyneyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in aysan ahayn mid sax ah. Sanbaloolshe oo qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ayaa ku sheegay in jihada hadda lagu wado siyaasadda dalka ay u baahan tahay dib-u-eegis degdeg ah, si looga fogaado qalalaase iyo khilaafyo hor leh. Inkastoo uusan si faahfaahsan u bixin qodobbada uu dhaliilayo, haddana hadalkiisa ayaa si weyn looga hadal hayaa fagaarayaasha siyaasadda. Xildhibaanka ayaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta u dhow Madaxweyne Xasan Sheekh…
Siyaasiga reer Somaliland ee Faysal Cali Waraabe ayaa baaq u diray dalalka Carabta iyo guud ahaan waddamada Islaamka, isagoo ugu baaqay in aysan la shaqayn Benjamin Netanyahu iyo Donald Trump, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay weerar “qaawan oo arxan darro ah” ku qaadeen dalka Iran. Waraabe ayaa sheegay in weerarradaasi aysan ku koobnayn shacabka Iiraan oo keliya, balse ay saameyn ku yeelanayaan dhammaan dalalka Carabta. Wuxuu tilmaamay in ujeeddada ka dambeysa ay tahay in la abuuro colaad toos ah oo dhex marta dalalka Carabta iyo Iiraan, taas oo keeni karta burbur dhaqaale, gaar ahaan haddii la beegsado goobaha…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow dil ka dhacay gudaha Suuqa Daraawiishta ee magaaladaasi, iyada oo lagu dilay mid kamid ah Dhalinyarada Caanka ka ah magaalada. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, wiil dhalinyaro ah ayaa lagu dilay suuqa, kadib markii uu weerar ku qaaday wiil kale oo la sheegay in ay is yaqaaneen. Eedeysanaha falka geystay ayaa isla goobta ka baxsaday kadib dilka, lamana oga halka uu u baxsaday. Laamaha ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa durba bilaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan ninka falkaasi geystay, iyagoo ku howlan sidii gacanta loogu soo…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mohamed Isxaaq Cusmaan Fanax, ayaa si rasmi ah u kala diray maamulka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool. Go’aankan ayaa lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka, taariikhduna ku beegan tahay 21-ka Maarso 2026, taas oo lagu cadeeyay in maamulka degmada Xudur uu lumiyay sharciyaddii uu ku shaqeynayay. Sida lagu sheegay qoraalka, tallaabadan ayaa timid kadib markii maamulka degmada Xudur ay ku dhawaaqeen inay ka hor yimaadeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana ay sheegeen inay si toos ah ula shaqeynayaan Dowladda Federaalka…
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si adag uga hadlay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulkiisa, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe inay wado waxa uu ku tilmaamay “duulaan qaawan oo mooryaanimo ah”. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad maanta ka dhacday Baydhabo, halkaas oo uu kula hadlayay ciidamo tababar loogu soo xiray. Wuxuu sheegay in Koonfur Galbeed aysan ka baqeyn wax uu ku tilmaamay faragelin uga imaaneysa DFS, isla markaana ay diyaar u tahay inay iska difaacdo. “Laftagareen” ayaa yiri: “Koonfur Galbeed ma baqeyso, waxaa dagaal mooryaanimo ah kusoo qaaday…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maalinta Isniinta u safro magaalada Addis Ababa, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in safarkaasi la xiriiro xaaladaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday maamulka Koonfur Galbeed. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu doonayo inuu taageero ka helo dowladda Itoobiya, si wax looga qabto muranka siyaasadeed ee la xiriira hoggaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Dhanka kale, xiisado hore uga dhex taagnaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa weli saameyn ku leh xiriirka gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga dalbatay Itoobiya inay…
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda maamulka Koofur Galbeed (KGS), ayaa lagu soo waramayaa inay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii laga hor istaagay inay u safraan magaalada Nairobi. Xildhibaanadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah u joojisay safarkooda, iyaga oo aan helin wax fasiraad rasmi ah oo ku saabsan sababta loo xanibay. Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koofur Galbeed. Wararka ayaa tilmaamaya in xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya…