Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Saraakiisha Kooxda Howlgallada Gaarka ah ee dalka Kenya ayaa fashiliyay isku day ay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku doonayeen inay ku soo galaan xuduudda ay Kenya la wadaago Soomaaliya, kaddib howlgal qorsheysan oo ka dhacay agagaarka deegaanka Sorira ee ismaamulka Mandheera toddobaadkii hore. Howlgalkan oo dhacay xilli ku dhow dabaaldegga Ciidul-Fidriga ayaa sababay in la dilo laba ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ilo ammaanka ah. SOG ayaa la sheegay inay heshay xog sirdoon oo tilmaamaysay qorshe ay kooxdaasi ku damacsaneyd inay ku soo gudubto xuduudda. Ciidamada ayaa adeegsaday kormeer dhinaca hawada…
Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya saaka ka fulisay deegaano ka tirsan gobolka Bay, iyadoo lagu eedeeyay in diyaarado lagu dajiyay ciidamo iyo hub fara badan degmooyinka Buurhakaba iyo Waajid. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay, sida ay hadalka u dhigtay, qorshe lagu wiiqayo maamulka Koonfur Galbeed, halkii xoogga la saari lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed waxay sidoo kale sheegtay in hubkii iyo taageeradii caalamiga ahayd ee la siiyay Dowladda Federaalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaadday Taliyihii ururka 154-aad, guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Aadan Maxamed Nuur Afey, oo ka howlgali jiray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in xilkaasi loo magacaabay Mursal Cali Maxamed, oo hore u ahaa abaanduulaha ururka, taasoo muujineysa isbeddel hoggaamineed oo muhiim ah oo lagu sameeyay cutubkaasi ka tirsan ciidamada. Isbeddelkan cusub ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed iyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mareyso marxalad xasaasi ah. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo loollan saameyn ku leh amniga iyo maamulka gobolka. Sidoo kale, warar soo…
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee dalka Masar ayaa wargelin rasmi ah u dirtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, iyadoo ka digeysa roobab xooggan oo la filayo inay ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah magaalooyinka Masar maalmaha soo socda. Sida ay sheegtay hay’adda saadaasha cimilada ee dalka Masar, waxaa la filayaa isbeddel cimilo oo keeni kara roobab culus iyo dabaylo, kuwaas oo saameyn kara isu socodka iyo nolol maalmeedka guud ahaan. Safaaradda ayaa kula dardaarantay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla markaana yareeyaan dhaqdhaqaaqyada aan daruuriga ahayn inta lagu jiro muddada roobabka la filayo.…
Madaxda dowladaha Turkey, Masar iyo Pakistan ayaa wada dadaallo xooggan oo lagu doonayo in muddo 48 saacadood gudahood ah lagu qabto kulan muhiim ah oo u dhexeeya madaxda Mareykanka iyo Iran. Kulankan oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Islamabad, caasimadda dalka Pakistan, ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda kacsan ee Bariga Dhexe iyo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa colaadaha sii xoogeysanaya ee gobolka. Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in saddexdan dal ay ka shaqeynayaan isu soo dhoweeynta labada dhinac, iyagoo rajeynaya in kulankani uu noqdo mid horseeda wada-hadal dhab ah oo lagu yareeyo xiisadaha…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa ku sheegay in dowladdiisu aysan wax faragelin ah ku hayn dalalka gobolka, isagoo xusay in Itoobiya ay la nooshahay deriskeeda nabad iyo is-ixtiraam. Abiy Ahmed ayaa si gaar ah uga hadlay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo beeniyay eedeymaha sheegaya in Itoobiya ay ku lug leedahay arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga u dhexeeya labada dal uu ku egyahay dhinacyada amniga iyo horumarinta, islamarkaana aysan jirin kooxo ama dhinacyo gaar ah oo ay taageeraan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka mid…
Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa lagu Eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen Howlo Basaasnimo iyo Gabaadsiinta Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha, Gaar ahaan Basaasida Dilalka gaadmada iyo qeybta Qaraxyada. Waxa uu qabtay Shaqooyin ay ka mid yihiin Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo lagu beegsan…
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo sheegayay in diyaarad ay leeyihiin ay ku dhacday magaalada Baydhabo. War-saxaafadeed kasoo baxay taliska oo lagu faafiyay Muqdisho ayaa lagu caddeeyay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aanay jirin wax shil diyaaradeed ah oo ku lug leh ciidanka oo ka dhacay Baydhabo ama deegaannada ku xeeran. Taliska CXDS ayaa tilmaamay in wararkan been-abuurka ah ay si ula kac ah u faafinayaan dad doonaya inay marin habaabiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay wiiqaan kalsoonida hay’adaha amniga dalka.…
Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxda Al-Shabaab ay burburiyeen xaruntii shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ku lahayd deegaanka Yaasooman. Deegaanka Yaasooman oo u dhexeeya degmooyinka Buulobarde iyo Moqokori ayaa la sheegay in kooxda ay gabi ahaanba dhulka la simeen xaruntaasi, ka hor inta aysan isaga bixin halkaas. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab ay walaac xooggan ka muujinayaan howlgallada ballaaran ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ka socda Gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda ay haatan ku sii jeedaan deegaanka Yaasooman, kadib markii kooxda ay isaga baxday…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xubnihiisa kale ee Maamulka. Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter), ayuu ku sheegay in khatarta sii kordheysa ee rabshadaha siyaasadeed ay tahay mid aad u walaac badan. Wuxuu xusay in weli ay jiraan xalal siyaasadeed haddii Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka digay in istiraatiijiyadda hadda la…