LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xildhibaano soo saaray digniin culus oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh ( Warsaxaafadeed)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Labada Aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo tiradoodu gaareyso 136 mudane, ayaa si kulul uga digay duulaan hubeysan oo la sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku qaaday Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo tallaabo kasta oo militari oo halis gelin karta xasilloonida iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Sidoo kale, mudanayaashu waxay si cad u taageereen magacaabista Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo qabashada doorashooyinka maamulkaasi, iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka socda halkaas. Waxay carrabka ku adkeeyeen in doorashooyinka lagu qabto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana laga ilaaliyo faragelin kasta oo dib u dhigi karta geeddi-socodka.

“Waxaan si buuxda u taageersanahay qabashada doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo guddiga loo igmaday, waxaana ka soo horjeednaa tallaabo kasta oo carqaladeyn karta hanaankaas,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay mudnaanta siiyaan wadahadal, xasillooni, iyo ilaalinta nidaamka federaalka, si looga fogaado isku dhacyo hor leh oo wax u dhimi kara amniga iyo midnimada dalka.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Xildhibaannada Labad Aqal

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *