LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog:- Wasiir Muqtaar Roobow oo ka horyimid dagaal lagu qaado Maamulka Koonfur Galbeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa si cad uga horyimid qorshe kasta oo dagaal oo laga fulinayo magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in uu taageero ama ka qeyb qaato weerar lagu qaado deegaan ay ku nool yihiin dad badan oo ay isku hayb yihiin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Baydhabo ay tahay magaalo ay ku nool yihiin malaayiin qof oo rayid ah.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo asal ahaan ka soo jeeda Baydhabo ayaa xusay in mas’uuliyaddiisa diimeed iyo midda qaranba aysan u oggolaanayn in uu gacan ka geysto dagaal waxyeello u geysan kara shacabka, gaar ahaan kuwa uu xiriirka dhow la leeyahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kula taliyay in arrimaha amniga lagu wajaho waddo nabadeed, isagoo tilmaamay in wadahadal iyo xalal aan hubeysneyn ay yihiin kuwa lagu gaari karo guul waarta.

“Xalka dhabta ah waa in la raadiyo dariiq nabadeed oo dadka lagu badbaadinayo, halkii dagaal hor leh laga abuuri lahaa,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrimaha Koonfur Galbeed inay ka fogaadaan hurinta colaadaha, isla markaana xoogga saaraan sidii loo heli lahaa xasillooni iyo wada noolaansho nabadeed.

Warkan ayaa imanaya xilli ay jiraan hadal-heyn ku saabsan suuragalnimada howlgallo militari oo laga fuliyo deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *