LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Koonfur Galbeed oo shaacisay in Masar ay keentay hubka lagu soo weerarayo degaanadeeda kuna dhawaaqday…

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay in hub laga keenay Masar loo isticmaalayo weerarro ka dhan ah deegaannada maamulkaas, gaar ahaan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Qoraal lagu daabacay barta X, ayay wasaaraddu ku sheegtay in hubkan loo adeegsanayo kicinta colaado iyo wiiqidda nabadgelyada, iyadoo ku tilmaantay arrintan mid halis ku ah xasilloonida guud ee gobolka.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay walaac ku saabsan ujeeddooyinka ka dambeeya hubkan, iyagoo ku eedeeyay in ay jiraan qorshayaal lagu doonayo in lagu wiiqo ammaanka iyo jiritaanka maamulka, isla markaana lagu bartilmaameedsado ciidamada Itoobiya ee ku sugan qayb ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub cusub u qaybisay cutubyo ciidan oo lagu abaabulay deegaanka Buurhakaba, kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda ay u dhaqaaqaan duleedka Baydhabo.

Eedeymo isdhaafsi ah ayaa sidoo kale ka dhex aloosan labada dhinac, iyadoo dowladda federaalka ay ku eedeysay maamulka Koonfur Galbeed in uu isna hub ka helo Itoobiya. Arrintan ayaa muujinaysa tartan siyaasadeed iyo mid amni oo sii xoogeysanaya, kaas oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida guud ee Koonfurta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa si gaar ah u taabanaysa dalalka gobolka, iyadoo Itoobiya ay u aragto in joogitaanka ama saameynta Masar ee gobollada Baay iyo Bakool ay halis ku tahay danaha amni ee ay ku leedahay gudaha Soomaaliya.

Screenshot

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *