Author: Banaadir24 Editor

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray jadwalka shaqo ee lagu soo xulayo Golaha Wakiillada 3-aad iyo doorashada Guddoonka Baarlamaanka. ​Guddiga, oo lagu dhisay Xeer Madaxweyne (Lr: 162.23), ayaa sheegay inay kulamo wadatashi ah la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka ah, iyo laamaha amniga si loo dardargeliyo hufnaanta doorashada. ​Sida ku cad dukumintiga ka soo baxay guddiga, hawsha ayaa u kala socon doonta sidatan: 26 – 28 Maarso 2026 Shaacinta jadwalka, faafinta habraaca soo xulista xildhibaanada, diiwaangelinta Golaha Wakiillada, iyo…

Read More

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed kulul ka soo saaray xaaladda Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan. ​Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyey wax uu ugu yeeray “xabsi guri iyo qafaal siyaasadeed” oo lagula kacay Taliye Mahad Cabdiraxmaan. Qoraalka xisbiga ayaa lagu sheegay in xil ka qaadista taliyaha ay tahay mid salka ku haysa aargoosi siyaasadeed oo la xiriira khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. ​Himilo Qaran ayaa ku tilmaamay falkaan mid “fool xun” oo dhabar-jab ku ah nidaamka…

Read More

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in aysan jirin rajo laga qabo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu mar dambe door ku yeesho soo xulista xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto deegaannadaas. Wasiirka oo kamid ah musharixiinta siyaasadda Koonfur Galbeed, ayaa fariin uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in isbeddel siyaasadeed uu dhowaan ka dhici doono magaalada Baydhabo, isagoo xusay in Madaxweyne Laftagareen laga saari doono magaalada isla markaana uu diyaarad ku bixi doono. Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay taageerayaasha Laftagareen inay joojiyaan taageerada ay…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka aroortii hore la bilaabay howlgal dumis ah oo ka socota xaafadda loo yaqaan UNICEF, taas oo ka tirsan degmada Xamar Jajab, meel u dhow dhabarka dambe ee isbitaalka Wardi. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in burburinta ay si toos ah u saameysay guryo ay deganaayeen dad rayid ah, iyadoo aan la helin ogeysiis cad oo horey loo siiyay dadka halkaas ku nool. Qaar ka mid ah dadka degganaa goobta ayaa sheegay in ay ku baraarugeen qalab culus oo bilaabay duminta guryahooda, taasoo keentay cabsi iyo jahawareer. Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa goobta,…

Read More

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi-Waare, ayaa ku baaqay in si degdeg ah looga qaado xayiraadda la sheegay in lagu soo rogay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Maxamed Cabdi-Waare ayaa tallaabada looga qaaday taliyaha xilka ku tilmaamay mid dhaawac ku ah dowladnimada, isagoo xusay in inkasta oo masuul dowladeed xilka laga qaadi karo, haddana aan la jebin karin xuquuqdiisa aasaasiga ah ee dastuuriga ah iyo kuwa muwaadinimo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xuquuqahaas ay ka mid yihiin xorriyadda dhaqdhaqaaqa, hadalka iyo isu-imaatinka, kuwaas oo uu sheegay in ay si cad u damaanad…

Read More

Waxaa si weyn looga falceliyay tallaabadii lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xabsi guri u gelisay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo shalay xilka laga qaaday. Tallaabadan ayaa dhalisay dood iyo dhaliil ka timid xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah oo si kulul uga hadlay arrintan. Senator-ka lagu magacaabo Aadan Cabdinaasir, oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadaasi, isaga oo ku tilmaamay “afduub.” Senator-ka ayaa sheegay in ficillada noocan ah ay horseedi karaan…

Read More

Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed Murjaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu helay fariimo hanjabaad ah oo uga imaanay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), arrintaas oo dhalisay walaac siyaasadeed iyo mid amni. Xildhibaanka ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in muddo lix maalmood ah uu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho, isla markaana uu helayay fariimo hanjabaad ah oo ku saabsan, sida uu yiri, qorshe lagu beegsanayo naftiisa. Sidoo kale, wuxuu sheegay in hoygiisa lagu xatiray Taliyihii Ciidanka Asluubta ee xilka kaga qaaday, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid sii xoojisay cabsi iyo…

Read More

Xoghayihii Guud ee Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa iska casilay Xubinimadii Xisbiga, isaga oo soo bandhigay sababaha uu isku casilay.. WAR-SAXAAFADEED: Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Kala ra’ayi duwanaantaasi waxa ay salka ku haysaa qodobada soo socda: 1. In madaxweynuhu talada dalka iyo…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay cafis ay u fidinayso ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanadeeda, iyadoo ugu baaqday inay ka faa’iideystaan fursaddaasi. Warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaas lagu qasbayo ajende ku saabsan weerarro ka dhan ah deegaanadooda, arrintaas oo maamulka uu sheegay inaysan raalli ka ahayn. Koonfur Galbeed ayaa ciidamadaas ugu baaqday inay ka tanaasulaan falalkaas, islamarkaana ay ku soo biiraan cafiska iyo soo dhoweynta loo fidinayo. Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed oo faah faahin ka bixinayay Warsaxaafadedka ayaa sidoo…

Read More

Xaalad kacsan iyo buuq xooggan ayaa maanta laga soo sheegay Suuqa Bakaaraha, kaddib markii ganacsatada halkaasi lagu amray inay ka guuraan goobahooda ganacsi. Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa si adag uga horyimid amarkaasi, iyaga oo sheegay in dhulkoodii si sharci darro ah loogu adeegsanayo magaca dowladeed. Waxay sidoo kale sheegeen in cabashooyin ay horey u gudbiyeen aan wax jawaab ah laga siin. “Waxaan dareemeynaa in nalaga xoog sheeganayo hantideenna, meel walbana oo aan u dacwoonnay waxba kama qaban,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta. Dhanka kale, bannaan-bax ballaaran ayaa ka socda gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha,…

Read More