Koonfur Galbeed oo ka digtay dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadannimo, baaqna u dirtay beesha caalamka

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku muujinayaan walaac xooggan oo ku saabsan kordhinta howlgallada milatari ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), kuwaas oo ka socda deegaanada maamulkaas.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xaaladda amni ee Koonfur Galbeed ay si degdeg ah uga sii dareyso, iyadoo laga cabsi qabo in ay isu beddesho dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadannimo oo baahsan. Maamulka ayaa ku eedeeyay DFS in ay khilaafaadka siyaasadeed ku xallinayso awood ciidan halkii laga mari lahaa hannaan dastuuri ah iyo wadahadal.
Sidoo kale, Koonfur Galbeed ayaa tilmaantay in ciidamada dowladda ee la keenay deegaanadooda, kuwaas oo ay tababareen dalal ay ka mid yihiin UK, UAE, Mareykanka iyo Turkiga aana loo adeegsan la dagaallanka argagixisada, balse loo leexiyay arrimo siyaasadeed gudaha ah.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in isticmaalka awoodda milatari uu sare u qaadi karo xiisadaha, isla markaana uu sababi karo barakac ballaaran oo ku yimaada shacabka, gaar ahaan xilli ay duruufo adag oo abaar iyo amni darro ay hore u jireen.
Ugu dambeyn, Koonfur Galbeed ayaa baaq degdeg ah u dirtay beesha caalamka, iyaga oo ka codsaday in si dhaqso ah loo farageliyo si loo dejiyo xaaladda, loona ilaaliyo shacabka rayidka ah, kahor inta aysan xaaladdu sii xumaan.










