LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Waan waan laga dhex-billaabay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Laftagareen

Odayaal dhaqan oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay dadaallo waan-waan ah oo lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugaas Shire Ugaas Warsame, oo ka mid ah isimada dhaqanka Koonfur Galbeed isla markaana ah Ugaaska Beesha Wacdaan Cismaan, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in labada dhinac ay ku qanciyaan in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal toos ah.

Ugaaska ayaa xusay in gogosha wada-hadalka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, halkaas oo la filayo in ay isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed si xal looga gaaro tabashooyinka jira.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay qorsheynayaan in caawa ay soo saaraan warsaxaafadeedyo rasmi ah oo ay ku shaacinayaan in la guda galayo wada-hadallo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maalmaha soo socda la filayo in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu safar ku tago magaalada Baydhabo, halkaas oo uu wada-hadal kula furi doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Dadaalladan ay hormuudka ka yihiin odayaasha dhaqanka ayaa loo arkaa kuwo rajo gelinaya xal nabadeed oo laga gaaro khilaafka, iyadoo bulshada ay si weyn u soo dhoweysay doorka isimada dhaqanka ee ku aaddan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *