Maamulka Galmudug oo War kasoo saaray xiisadda ka taagan degaannada Koonfur Galbeed

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka jira iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo is-afgarad.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Cali Daahir Ciid ku muujiyay in uusan jirin xal lagu gaari karo colaadda iyo cadaadiska siyaasadeed, balse ay muhiim tahay in labada dhinac ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si ay uga arrinsadaan waxyaabaha la isku hayo.
“Ma jirto xal lagu gaari karo qori caaraddii ama cadaadis siyaasadeed. Waddada kaliya ee furan waa in la isku yimaado labada dhinac oo laga wada hadlaa waxyaabaha na kala qeybinaya,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka.
Sidoo kale, wuxuu soo dhoweeyay dadaallada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nolosha shacabka.
“Siyaasaddu waa mid is-bedbeddesha, laakiin nolosha qofka bini’aadamka ah waa mid aan dib loo heli karin. Waa inaanan lumin wiil maanta nool oo berri nooga dhinta colaaddaas. Aan dooranno nabadda si aan u badbaadinno jiilka mustaqbalka,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo baaqyada ku aaddan in xal nabadeed la gaaro ay isa soo tarayaan.









