LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Diyaarad ka degi lahayd Degmada Waajid oo la rasaaseeyay iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo saarnaa

Wararka laga helayo degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ka dhacay aagga garoonka diyaaradaha, kaddib markii diyaarad ay dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) lagu hor istaagay inay halkaas ka degto.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas lagu furay diyaaradda, taasoo ku qasabtay inay dib ugu laabato degmada Xudur. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadkaas uu sababay khasaare, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd degmooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xudur, Waajid, Buurhakaba iyo Baraawe, kuwaas oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo badan lagu daabulayo degmada Buurhakaba, oo qiyaastii 60 km u jirta magaalada Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado amni oo ka jira waddooyinka u dhexeeya, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa la sheegay inay ku booriyeen taageerayaashooda inay isu diyaariyaan dhaqdhaqaaqyo militari oo la xiriira Baydhabo saacadaha soo socda.

Waxaa muuqata in dowladda ay sii xoojinayso dadaallada militari, iyadoo adeegsanaysa gaadiid iyo diyaarado lagu daabulayo ciidamo iyo sahay, taasoo la sheegay inay ku kacayso kharash dhaqaale oo aad u sarreeya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *