LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Maanta Ciidamo si gaar ah u tababaran geyneysa Degmada Buurhakaba

Wararka laga helayo degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo gaar ah oo dhawaan la aas-aasay lagu wado in la geeyo halkaas, sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso boqolaal askari ayaa lagu soo tababaray xerada Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad, gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan cusub waxaa taliye looga dhigay nin lagu magacaabo Aadan Dheere, kaas oo hore uga tirsanaa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA). Magacaabistiisa ayaa timid xilli aan wali si rasmi ah loo caddeyn ujeedka dhabta ah ee loo aas-aasay ciidamadan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya illaa iyo hadda wax faahfaahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee loo sameeyay ciidamadan, arrintaas oo dhalisay shaki iyo walaac ay muujiyeen siyaasiyiin mucaarad ah. iyada oo durba la billaabay in ciidamadan loo adeegsado k hilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, tani waxay ku soo beegmaysaa xilli hore ay Dowladda Federaalka ciidamo ugu dirtay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Raas Kambooni, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay maamulka Jubbaland. Ciidamadaas ayaa la sheegay in qaarkood ay kala eryeen maamulka Jubbaland, halka kuwo kalena la qabtay ama ay u gudbeen gudaha dalka Kenya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *