Wakiilada Beesha Caalamka oo waan waan ka dhex billaabay DFS iyo Koonfur Galbeed

Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa wada dadaallo diblumaasiyadeed oo la xiriira xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo laga cabsi qabo inay isu beddesho gacan ka hadal hubeysan.
Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, diblumaasiyiinta ayaa xiriiro la sameeyay labada dhinac, iyaga oo ku booriyay in khilaafka jira lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad ay hoggaaminayaan dhinacyada Soomaaliyeed. Waxay si gaar ah carrabka ugu adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac.
Dhinaca kale, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan suurtagalnimada in xiisaddu isu beddesho dagaal, taasoo fursad siin karta kooxaha argagixisada ah inay ka faa’iideystaan xaaladda cakiran. Waxay sidoo kale ku taliyeen in ciidamada iyo agabka milatariga laga ilaaliyo in loo adeegsado arrimo siyaasadeed, si looga hortago xaalado amni darro oo sii xumaada.
Ugu dambeyn, dadaallada socda ayaa u muuqda kuwo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, iyadoo la rajeynayo in labada dhinac ay qaataan wadada nabadda iyo wada hadalka si looga baaqsado cawaaqib xumo ka dhalan karta isku dhac hubeysan, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Maanta ay Wakiilada Beesha Caalamka kulan ka yeelanayaan xiisadda dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.









