Koonfur Galbeed oo xilalkii ka qaaday mas’uuliyiin ogolaaday inay mucaaradka tagaan degmada Xudur

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u magacawday maareeye cusub oo loo xil saaray garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur, xarunta gobolka Bakool, iyada oo xilkii laga qaaday Maareeyihii Garoonka diyaaradaha xudur iyo kuxigeenkiisii.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu magacaabay Cabdullaahi Aadan Cabdiraxmaan inuu noqdo maareeyaha cusub ee garoonka Xudur. Sidoo kale, Jibriil Yuusuf Maaney ayaa loo magacaabay ku-xigeenka maareeyaha garoonka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay waafaqsan tahay dastuurka Koonfur Galbeed iyo shuruucda kale ee dalka, iyadoo wasaaraddu xustay in mas’uuliyiinta cusub laga doonayo inay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Magacaabistan ayaa timid xilli maalin ka hor garoonka diyaaradaha Xudur ay ka dageen xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan oo lagu tilmaamay inay mucaarad ku yihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taas oo ay ka caroodeen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed ayaa ku boorrisay hay’adaha ammaanka iyo maamulka degmada inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub si loo xoojiyo howlaha garoonka iyo adeegyada uu bulshada u hayo.










