Kenya oo ku dhawaaqday inay dishay Xubno katirsan Al-Shabaab

Saraakiisha Kooxda Howlgallada Gaarka ah ee dalka Kenya ayaa fashiliyay isku day ay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku doonayeen inay ku soo galaan xuduudda ay Kenya la wadaago Soomaaliya, kaddib howlgal qorsheysan oo ka dhacay agagaarka deegaanka Sorira ee ismaamulka Mandheera toddobaadkii hore.
Howlgalkan oo dhacay xilli ku dhow dabaaldegga Ciidul-Fidriga ayaa sababay in la dilo laba ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ilo ammaanka ah.
SOG ayaa la sheegay inay heshay xog sirdoon oo tilmaamaysay qorshe ay kooxdaasi ku damacsaneyd inay ku soo gudubto xuduudda. Ciidamada ayaa adeegsaday kormeer dhinaca hawada ah si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka, ka hor inta aysan ku qaadin weerar gaadmo ah oo si degdeg ah loo fuliyay.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee hay’adaha ammaanka, kuwaas oo kordhiyay feejignaanta, roondada, iyo kormeerka goobaha halista ah si looga hortago falalka amni darro.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo bishii hore ciidamada la dagaalanka argagixisada ay fashiliyeen weerar kale oo qorsheysan oo la rabay in laga fuliyo magaalada Nairobi, kaas oo lala xiriirinayay Al-Shabaab.
Baaritaanno la sameeyay ayaa muujiyay in kooxahaasi ay damacsanaayeen inay weerarro ka geystaan magaalada xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan. Intii lagu guda jiray howlgalkaas, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub kala duwan, oo ay ku jiraan qoryo iyo walxo qarxa oo la rumeysan yahay in loogu talagalay fulinta weerarka.









