DFS oo saaka Hub iyo Ciidamo ka dejisay Buurhakaba & Waajid iyo Koonfur Galbeed oo ka hadashay

Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya saaka ka fulisay deegaano ka tirsan gobolka Bay, iyadoo lagu eedeeyay in diyaarado lagu dajiyay ciidamo iyo hub fara badan degmooyinka Buurhakaba iyo Waajid.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay, sida ay hadalka u dhigtay, qorshe lagu wiiqayo maamulka Koonfur Galbeed, halkii xoogga la saari lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed waxay sidoo kale sheegtay in hubkii iyo taageeradii caalamiga ahayd ee la siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loola dagaallamo Al-Shabaab loo weeciyay, sida ay hadalka u dhigtay, dagaal ka dhan ah shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
“Waxaa nasiib darro ah in taageeradii beesha caalamka ee loogu talagalay ciribtirka Al-Shabaab loo adeegsado colaad gudaha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ugu dambeyn, wasaaradda ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah u soo farageliso arrintan, isla markaana ay ka hortagto waxa ay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah ujeedadii taageerada caalamiga ah.










