Author: Banaadir24 Editor

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo culus ka wada koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo si gaar ah loola beegsanayo dagaalyahannada Al-Shabaab. Sida ay sheegeen ilo kala duwan oo warbaahinta la hadlay, ciidamada iskaashanaya ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray deegaanno ay horey u maamulayeen Al-Shabaab, iyagoo bilaabay inay isku fidiyaan dhul horleh si ay u xoojiyaan gacanta dowladda ee aaggaasi. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dardargelineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan oo dalka ah, iyadoo isbeddel lagu sameeyay qaabka loo…

Read More

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degaannada Koonfur Galbeed inay ilaaliyaan midnimadooda, si ay isaga difaacaan cadawga iyo caqabadaha amni ee ka jira gobolka. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu afhayeenku ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada, isagoo tilmaamay in midnimadu ay tahay tiirka ugu weyn ee shacabka ku taagan yihiin, isla markaana ay ka hortagto kala fogaanshaha iyo tabarta darrada. “Sharaf iyo karaamo korkiinna ha ahaato, shacabka sharafta leh ee reer Koonfur Galbeed. Midnimadiinnu waa gaashaanka idinka difaaca kala qeybsanaanta. Ilaaliya wadajirkaas qiimaha leh, hana u oggolaanina kuwa beenta iyo…

Read More

Waxaa sii kordhaya Dadka iska casilaya kasii mid ahaanshaha Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP. Xoghayii Abaabublka iyo wacyigalinta Dhalinyarada JSP Cabdiraxiim Socdaal ayaa kamid ah Dadka is Casilay. Qoraalkaan ayuu qoray isagoo Xassan sheekh Maxamuud ku eedeyey in uu yahay Tuug. “Marka hoggaanka xisbi uu ku dhismo xatooyo xoolaha dadweynaha, caddaalad darro iyo dano gaar ah, waxaa hubaal ah in dhaxalkiisu noqdo kali-talisnimo, musuq iyo burbur ka sii daran kii hore. Waxaa la marin habaabiyay rajooyinkii shacabka, gaar ahaan dhalinyarada oo lagu qalday riyo been ah iyo xisbi aan lahayn himilo dhab ah oo ummadda u adeegta. Dhalinyaradii waa…

Read More

Xaafadda Jiiro Garoob ee Degmada Yaaqshiid ayaa wajahaysa xaalad amni oo aad u kacsan, kadib markii kooxo dhalinyaro ah oo loo yaqaan “ciyaal weero” ay bilaabeen falal rabshado wata oo si weyn u cabsi geliyay shacabka deegaanka. Wararka laga helayo gudaha xaafadda ayaa sheegaya in dhalinyaradan ay isu adeegsanayaan dhagaxaan, isla markaana ay si abaabulan ugu urursanayaan gudaha Jiiro Garoob. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay habeenkii, iyadoo qoysas badan ay sheegeen inay seexan la’yihiin cabsi la xiriirta falalka rabshadaha ah. Bulshada ku nool deegaanka ayaa si weyn u isweydiinaya halka ay ku sugan yihiin laamaha…

Read More

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay habraaca doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ku saleysay dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga oo ku taariikheysan 26 Maarso 2026 ayaa lagu sheegay in habraacan uu muhiim u yahay hirgelinta doorashooyin xor ah, xalaal ah, isla markaana waafaqsan nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka. Habraaca la shaaciyay ayaa tilmaamaya dhowr arrimood oo saldhig u ah geeddi-socodka doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa lagu soo xulayaa habraac rasmi…

Read More

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa caawa wajahaysa xaalad amni oo aad u kacsan, kaddib markii la sheegay in ciidamada Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen afarta jiho ee magaalada. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamadan la siiyay amar adag oo ku saabsan xakameynta dhaqdhaqaaqa, iyadoo aan la oggolaan doonin wax gelitaan ama bixitaan ah wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo. Tallaabadan ayaa si weyn u saameysay isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo magaalada laga dareemayo cabsi iyo hubanti la’aan. Ilaa hadda, saraakiisha ciidamada Itoobiya kama aysan bixin wax faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta ay u qaadeen…

Read More

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay ka fulisay deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Howlgalladan oo ay NISA sheegtay inay kaashadeen saaxiibada caalamiga ah ayaa laga fuliyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, howlgal ka dhacay Jilib 19-kii bishan ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Cali Cabdullaahi Macalin oo lagu tilmaamay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahaa isku dubbaridka qaraxyada iyo weerarrada ka dhaca gudaha dalka. Dhanka…

Read More

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta ciidamo horleh oo aad u xooggan geysay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka jirto xiisad dagaal oo sii kordheysa, una dhaxeeya Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa mucaaradka iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Wararka laga helayo degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex diyaaradood ay ciidamo ka dejisay Buurhakaba, iyadoo qaar ka mid ah ciidankaas laga keenay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Ciidamadan cusub ayaa lagu xoojinayaa guluf dagaal oo dowladda federaalku ka waddo gobolka Baay. Taliyaha Xarunta 4-aad, Ururka 96-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,…

Read More

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga soo doorto degaannada Koonfur Galbeed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni ee ka taagan degaannadaas, iyagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay waddo waxa ay ku tilmaameen “duullaan cad.” Warsaxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanadan ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay mar kale faragelin ku hayso maamulka iyo amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxay xuseen in tallaabooyinkaasi ay halis ku yihiin jiritaanka iyo madaxbannaanida maamulkaas. Xildhibaanadu waxay sheegeen in falalka socda ay yihiin kuwo ka hor imanaya dastuurka dalka, isla markaana khatar gelinaya midnimada,…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si weyn u dhaliilay tallaabo ay dowladdu ku xayirtay guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo dhowaan xilka laga qaaday. Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in ficilkaas uu yahay mid ka hor imanaya xorriyadda muwaadiniinta iyo sharciga dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud inay qaadayso tallaabooyin siyaasadeed oo caburin ah. Farmaajo ayaa sidoo kale ku dooday in ciidamo la dul dhigay hoyga Mahad Cabdiraxmaan ay muujinayso cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo mas’uuliyiintii hore, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawacaysa…

Read More