LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo iska fogeeyay in uu farogelin ku haayo Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa ku sheegay in dowladdiisu aysan wax faragelin ah ku hayn dalalka gobolka, isagoo xusay in Itoobiya ay la nooshahay deriskeeda nabad iyo is-ixtiraam.

Abiy Ahmed ayaa si gaar ah uga hadlay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo beeniyay eedeymaha sheegaya in Itoobiya ay ku lug leedahay arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga u dhexeeya labada dal uu ku egyahay dhinacyada amniga iyo horumarinta, islamarkaana aysan jirin kooxo ama dhinacyo gaar ah oo ay taageeraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka mid yihiin jaaliyadaha ugu badan ee ku nool Itoobiya, isagoo tilmaamay in ay yihiin bulshada labaad ee ugu tirada badan dalkaas, isla markaana ay dowladdiisu ixtiraam gaar ah u hayso.

Dhanka kale, Abiy Ahmed ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya la leedahay Eritrea uu ku dhisan yahay nabad, walaalnimo iyo deris-wanaag, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay doonayso xasillooni guud oo ka hanaqaadda gobolka Geeska Afrika.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa mar kale ku celiyay in dalkiisu u heellan yahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo ilaalinta nabadda, isagoo meesha ka saaray dhammaan eedeymaha la xiriira faragelin siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *