Waan waan laga dhex billaabay Madaxda Mareykanka & Iran

Madaxda dowladaha Turkey, Masar iyo Pakistan ayaa wada dadaallo xooggan oo lagu doonayo in muddo 48 saacadood gudahood ah lagu qabto kulan muhiim ah oo u dhexeeya madaxda Mareykanka iyo Iran.
Kulankan oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Islamabad, caasimadda dalka Pakistan, ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda kacsan ee Bariga Dhexe iyo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa colaadaha sii xoogeysanaya ee gobolka.
Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in saddexdan dal ay ka shaqeynayaan isu soo dhoweeynta labada dhinac, iyagoo rajeynaya in kulankani uu noqdo mid horseeda wada-hadal dhab ah oo lagu yareeyo xiisadaha jira.
Dadaalladan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada caalamiga ah ee ku aaddan amniga gobolka iyo saameynta ay colaadahaasi ku yeelan karaan dunida inteeda kale.
Haddii kulankan uu qabsoomo, waxaa la filayaa inuu noqdo mid taariikhi ah oo door weyn ka qaata dejinta xiisadaha muddada dheer u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran.









